"Waa Yaab In Qofka Boorama Lagu Xidhaba Loo Qaaddo Xabsiga Mandheera" Xildhibaan Abiib

0
Thursday July 15, 2021 - 22:32:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Yaab In Qofka Boorama Lagu Xidhaba Loo Qaaddo Xabsiga Mandheera" Xildhibaan Abiib

    "Waxa La Yaab Leh In Qofka Boorama Lagu Xidhaba Loo Qaaddo Xabsiga Mandheera" Xildhibaan Abiib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa La Yaab Leh In Qofka Boorama Lagu Xidhaba Loo Qaaddo Xabsiga Mandheera" Xildhibaan Abiib


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in dadka reer Boorama ee la xidho loo qaaddo Xabsiyo kale.



Xildhibaan Abiib ayaa sheegay in Dhalinyarro calanka Soomaaliya qaatay oo lagu xidhay magaalada Boorama in loo qaadday Xabsiyo gobolo kale ku yaal, halkii ay ahayd in Xabsiyadda Boorama lagu xidho Dhalinyaraddaas.


"Qofkasta oo Calanka Soomaaliya la soo baxa waa la xidhi jiray, laakiin waxa la yaab leh in qofka Boorama lagu xidhaba Mandheera loo qaado" Ayuu yidhi.

"Ma Xabsiyaddii gobolka Awdal baa la baabiiyay?, sababta gobolkasta Xabsi loogu sameeyay waa in qofka halka ugu dhaw lagu Xidho" Ayuu hadalkiisa ku daray.

Maxamed Abiib ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu dhalinyarada Calanka Soomaaliya u xidhan ku celiyo Xabsiyada Awdal.

"Madaxweyne dhalinyarada yar-yar ku celi magaaladoodi oo ehelkooda ka ag dhawee" Ayuu yidhi.

Dhalinyaro Hablo u badan oo 26 Juun Calanka Soomaaliya oo ay soo qaateen loogu xidhay magaalada Boorama, ayaa loo gudbiyay Xabsiyo ka baxsan gobolka Awdal.

Loading...
Loading...