Nuxurka Kulan Dhexmaray Xildhibaanadii Ka Soo Baxay Galbeedka Burco Iyo Musharixiinta Shirgudoonka Ee Mucaaridka

0
Thursday July 15, 2021 - 21:52:20 in News by
  • Visits: 1953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Dhexmaray Xildhibaanadii Ka Soo Baxay Galbeedka Burco Iyo Musharixiinta Shirgudoonka Ee Mucaaridka

    Nuxurka Kulan Dhexmaray Xildhibaanadii Ka Soo Baxay Galbeedka Burco Iyo Musharixiinta Shirgudoonka Ee Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Dhexmaray Xildhibaanadii Ka Soo Baxay Galbeedka Burco Iyo Musharixiinta Shirgudoonka Ee Mucaaridka

Hargeysa(HWN):-Xildhibaannada ka soo baxay Waddani iyo UCID, ee ka soo jeedda Galbeedka Burco oo kulan la yeeshay saddexda Xubnaha Isbahaysigu u xuleen in ay noqdaan shirguddoonka Wakiillada.
May be an image of 11 people, people sitting and people standing


Xubnaha kulankan ka qayb galay ayaa ah 18 Xubnood, waxaana ka maqnaa 2 xubnood mid xanuunsanayey, halka mid kalena hawlo u gaar uu yeeshay uu ku maqnaa.

Waxa iyaguna aan kulan ka muuqan Xildhibaan Naasir Qodax iyo Jamaal Aadan Diiriye oo iyagu ka soo baxay UCID iyo Waddani oo u jan-jeedha dhinaca Kulmiye, kuwaas oo horena u shaaciyey in ay u tartamayaan Guddoomiye kuxigeenka Golaha Wakiillada.

Kulankan ayaa ahaa mid dhoola tus oo Xildhibaannada ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xubnaha isbahaysigu u qorsheeyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada.

Kulan ayaa sidoo kale ujeeddada laga leeyahay meesha lagaga saaro shaki la geliyo xubnahan la xidhiidhaa warar inta badan goobaha siyaasadda lagu falan-qeeya hadhaysa oo ah in xubnahan aan la hubin in ay u codaynayaan Xubnaha Shirguddoonka ee Isbahaysigu wato.

Loading...
Loading...