Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Maamul Cusub Doortay.
"Waxaana hada Somaliland ka jiro kooxo badan oo faneed"
Hargaysa (HWN) Kooxdda
Fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa kulan ay hargaysa ku yeesheen Gudoomiye ugu
doortay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Cabdiraxman xaaji) Halka ku-xigeena ay u
doorteen Axmed wali ibrahim furinle.
Guddoomiyihii mudada dheer maamulayay kooxdda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul ayaa isagu u leexday dhanka Siyaasada, Waxaanu ka mid noqday Xildhibaanadda Cusub Ee Golaha Wakiiladda Somaliland .
Kooxda Xidigaha Farnaaniinta Geeska ayaa beryahayn Dambe aan fanka uga dhexmuuqan sidii berigoo hore ay uga dhex muuqan jireen.
Waxaana hada Somaliland ka jiro kooxo badan oo faneed kuwaasi oo saamayn ku yeeshan kooxdan Xidigaha Geeska.
Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office.
Loading...
Loading...