Xildhibaan Ka Hadlay Hablo Reer Boorama Ah Oo Muuse Biixi Utaxaabay Jeelka Mandheera

0
Thursday July 15, 2021 - 15:03:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Hadlay Hablo Reer Boorama Ah Oo Muuse Biixi Utaxaabay Jeelka Mandheera

    "hadii kale ku celi deegaanadii lagasoo xidhay , miyaa la baabiiyay xabsiyadii Borama ".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"hadii kale ku celi deegaanadii lagasoo xidhay , miyaa la baabiiyay xabsiyadii Borama ".

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah xildhibaanada Cusub ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani uga soo baxay Gobolka Awdal ayaa ka hadlay hablo xukuumada Muuse Biixi ka soo xidhay Boorama oo hada ku xidhan Jeelka Mandheera iyo Jeel kale oo ku yaala Berbera.




Xildhibaanka ayaa ku baaqay in jeelasha ka dhisan Boorama lagu xidho dhalinyaradaa oo lagu soo celiyo deegankooga.


Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka hadlayaa arinkaasi ayaa yidhi" Madaxweyne hadii ay kaa tahay ciqaab iyo ku xumeyn in hablaha iyo inamada yar yar ee aad kasoo xidhay Borama ee Mandheera iyo Berbera lageeyay waa loo adkeysan , hadii kale ku celi deegaanadii lagasoo xidhay , miyaa la baabiiyay xabsiyadii Borama ".


Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray "Waxaan rabna inay wax iska badalaan 30 sanno ee ugu dambeeyay oo xoolaha danyartu ku kalahayeen guryaha masuuliyiinta ". ayuu yidhi Xil. Maxamed Abiib.


Dhalinyaradan oo iskugu jira Hablo iyo inamo ayay xukuumada Muuse Biixi xidhay kadib markii ay calanka Somaliya xidheen.


Waxaana xusid mudan in dhalinyaradan aan lagu xidhay xabisyada ku yaala gobolka Awdal, taasi oo lagu macnayn karo in xukuumada Muuse Biixi doonayso in dhalinyaradan laga fogeeyo Dadkooga.


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...