Siyaasi Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inuu Wado Qorshe Lagu Sad-qaynaayo Kaahin, KULMIYE-na sheegay In Laga Adkaaday

0
Thursday July 15, 2021 - 12:13:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inuu Wado Qorshe Lagu Sad-qaynaayo Kaahin, KULMIYE-na sheegay In Laga Adkaaday

    Siyaasi Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inuu Wado Qorshe Lagu Sad-qaynaayo Kaahin, KULMIYE-na sheegay In Laga Adkaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inuu Wado Qorshe Lagu Sad-qaynaayo Kaahin, KULMIYE-na sheegay In Laga Adkaaday


Hargeisa(HWN):-Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Muxaafidka KILMIYE ayaa sheegay in hadal haynta la xidhiidha in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed loo wado in uu baddal u noqdo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan uu isagu Jaamac ahaan u arko in lagu sadqaynayo doorka siyaasadeed ee Mujaahid Maxamed Kaahin.
Farmaajane Wuxuu U Socdaa Inuu Been Ka Iibiyo Somaliya" Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Shirka Jabuuti


Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo waraysi gaara siiyey Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan ayaa faahfaahimo badan ka bixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan hadal haynta maalmihii ugu dambeeyey ka dhalatay markii uu soo baxay warka sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu bannaynayo xilka uu hayo taa baddalkeedana la hadal hayo in xukuumaddu ku dadaalayso sidii uu mansabkaasi u qaban lahaa Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo uu tallaabadaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ku sifeeyey masaafurin siyaasadeed iyo in Madaxweynuhu Wasiirka is dhaafinayo sida uu hadalka u dhigay. Jaamac Shabeel oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Maxamed Kaahin waxaan u arkaa in la khaarajinayo oo loo khaarajinayo qaab kale. Maxamed Kaahin Axmed in uu Muuse khaarajinayo ayuunbaan u arkaa anigu”ayuu yidhi waxaanu hadalkiisa intaasi ku daray:

"Aniga shakhsi ahaan wax iska kay baddalay ma jiro ee cidda is baddashay waa Madaxweynaha oo isaga ayaa is baddalay. Hab-dhaqankii Muuse ayaa is baddalay ee aniga wax iska kay baddalay ma jirto. Maxamed Kaahin Axmed heshiis baanu nahay. Maxamed waxaanu heshiis ahayn illaa waligayo. Illaa wakhtigii SNM ayaanu is naqaanay oo saaxiib ahayn. Wax na dhex maray ma jirto khilaaf na dhex marayna ma jirto waxanna shaqo kuma uu lahayn”.
Dhinaca kale Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo wax laga waydiiyay guul darrada xisbiga KULMIYE ka soo gaadhay doorashooyinkii ugu dambeeyey ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada waxa uu sheegay in guul darradaasi uu Madaxweynuhu sababteeda leeyahay waxaanu yidhi: "Guul-darrada Xisbiga waxa isla leh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wasiiradiisuna ma laha cid kalena ma laha. Guul-darrada xisbiga ka soo gaadhay doorashada waxa iska leh Madaxweynaha cid ku wehelisaa ma jirto.

Ugu dambayn Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ka hadlayay cidda uu u badinayo in ay ku guulaysan karto kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo muddoba tartan adag loogu jiro ayaa waxa uu sheegay in aanay cidina shaki kaga jirin cidda kursigaasi ku guulaysanaysaa isaga oo sheegay in uu yahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaasi oo xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Sool. Jaamac Shabeel oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Nin jecel iyo nin necebba guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socdaa waa Cabdirisaaq Khaliif Axmed nin neceb iyo nin jecelba. Waayo doorashadii ayaa lagu kala baxay oo waad ogtihiin cidda guusha qaadatay”. Ayuu yidhi Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel).

Loading...
Loading...