Xukuumadda KULMIYE Oo Sas Ka Qaaday Kulankii Dhexmaray Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif

0
Thursday July 15, 2021 - 11:26:36 in News by
  • Visits: 1765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda KULMIYE Oo Sas Ka Qaaday Kulankii Dhexmaray Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif

    Xukuumadda KULMIYE Oo Sas Ka Qaaday Kulankii Dhexmaray Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda KULMIYE Oo Sas Ka Qaaday Kulankii Dhexmaray Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif


Hargeysa(HWN):-Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa habeen hore hoygiisa Magaalada Hargeysa ku bookhday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.




 

Guddoomiye Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa hoygiisa booqasho iyo barriido ugu tegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo,taas oo ahayd mid caadiya,balse xisbiga KULMIYE ayaa ka qaaday sas,maddaama oo ay ku soo beegmatay xilli uu meel xasaasi ah marayo loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada ee u dhaxeeya ee Xisbiyadda isbahaysiga Mucaaradka Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE.


Dhanka kale Xisbiga KULMIYEayaa u arka kullankaa Booqashada ah ee uu Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirasaaq Khaliif ugu tegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, inuu ahaa kullan siyaasadeed,isla markaana uu farriin siyaasadeed dirayey,waxaanay u arkeen fursad siyaasadeed oo ay xilligan lumiyeen KULMIYE oo laga faa’iidaystay.


Geesta kalena Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ayaa cadho ka muujiyey iyana kullankaas,iyagoo siyaabo kal duwan u faaqiday,isla markaana u arka fursad siyaasadeed oo uu dayacay KULMIYE oo laga faa’iidaystay,waxaanay ka muujiyeen niyad jab Musharrax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu watto KULMIYE Xildhibaan Faratoon oo ay u arkaan mid aan geedkaa gaadhahayn.


Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed, ayaa qoraal uu kaga hadlayo bookhashada uu ugu tegay Madaxweynihii hore ee Somaliland ku baahiyey barta Facbooga uu ku leeyahay,kaas oo u dhignaa sidan :"Waxa aan caawa fiidkii booqasho gaaban ugu tagay hoyga uu Caasimadda Hargaysa ka deggan yahay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriydda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aan Ilaahay uga baryayo in uu mar walba caafimaad iyo cimri dherer siiyo.”


Loading...
Loading...