Muuse Biixi Iyo Wasiiro Ku Fashilmay Kulan Ay La Qaateen Xildhibaano Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco
Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu toddobaadkii hore dhammaadkiisii uu kullan la yeeshey qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ee beesha Barriga Burco.
Kullankan ayaa la sheegay in Muuse Biixi ay ku weheliyeen xubno masuuliyiin xilal ka haya Xukuumaddiisa oo ka soo jeeda Beesha Barriga Burco,kaas oo ay ka soo qayb-galeen qaar kamid ah Xildhibaanada Beesha ee ka soo baxay Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID.
Dhanka kalene Xoggo aanu ka helnay illo wareedyo kala duwan, ayaa lagu sheegay in kullankan oo qaataySaacado baddan,isla markaana ay dood adag dhex-martay Madaxweynaha iyo Xildhibaanada,waxa aanu Madaxweynuhu caddaayey mawqifkiisa shir guddoonka iyo qorshayaashiisa siyaasadeed oo u sheegay in saddex-da xubnood ee Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE ee shir guddoonka Golaha Wakiillada aanu midna siinayn beesha,isagoo ku andacooday inay haysato beesho shir guddoonka Golaha Guurtida Somaliland,isla markaana aanay macquul ahayn in ay qayb ka noqoto xilligan Beeshu shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,balse waxa uu weydiistay inuu maanta hiil uga baahan yahay iyo inay la dhisaan codkoodana siyaasn Musharrax uu guddoomiyaha shir guddoonka u watto ee Faratoon,haseyeeshee waxa la sheegay inay ku gacan saydheen codsigiisa.
Geesta kale qaar kamid ah Xildhibaannadii kullankaa ka qayb-galay oo maddasha ka hadlaya ayaa u sheegay Madaxweynaha Biixi in aanay cod u hayn Xildhibaan Faratoon, isla markaana aanay u coddayn doonnin,balse ay marayaan halkii ay danta Qaranka iyo ta degaankoodu ay ku jirto,taas oo niyad jab iyo waji gabax ku noqotay Madaxweyne Biixi iyo xubnihii masuuliyiinta ahaa ee ku weheliyey kullankaas
Si kastaba ha-ahaatee kullan ayaa la sheegay in lagu kala kacay kadib marii uu Madaxweyne Muuse Biixi isku dayay inuu ku qanciyo xubnihii madasha fadhiyay wax aan macno badan lahayn, ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay labada dhinac marka laga yimaado xoggahaas.