Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Hanjabay Inuu Weerar Ku Qaadi Doono Gobolka Tigrey

0
Thursday July 15, 2021 - 11:05:56 in News by
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Hanjabay Inuu Weerar Ku Qaadi Doono Gobolka Tigrey

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Hanjabay Inuu Weerar Ku Qaadi Doono Gobolka Tigrey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Hanjabay Inuu Weerar Ku Qaadi Doono Gobolka Tigrey

Addis Ababa(HWN):Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa marki ugu horreysay ka hadlay magaalooyinka Alamata iyo Koram ee ay dib u qabsadeen xoogagga TPLF, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay sameyneyso wax kasta oo suuragal ah.



Bayaan ka soo baxay Dawlad Deegaanka Amxaarada waxaa lagu sheegay Ciidamada TPLF ee qabsaday magaaloyinka Alamata iyo Koram ay u ruqaansadeen dhinaca Walqayt-Tagade iyo Satiit-Humera si ay u qabasadaan.


Ra’isal Wasaare Abiy Axmed oo bartiisa bulshada uu maanta oo Arbaca ah qoraal soo dhigay wuxuu ku sheegay, in inkastoo ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah oo ay uga gol leedahay in shacabka Tigraay la gaarsiiyo gargaar bani aadaminmo, xilli beereedkanna ay ka faa’ideystaan, haddana xoogagga TPLF dagaalka wey joojin waayeen.


Wuxuu tilmaamay in marka "dowladda ay sameyneyso waxkasta oo suuragal ah iyo sida ku habbon”.


"Xabad joojinta ay dowladda dhexe gaartay si kale ayey u qaateen oo waxay billaabeen inay deegaanka Tigray ka huriyaan colaad hor leh”.


Wuxuu yiri: "Beesha Caalamkana waxay isku dayayaan in waddooyinkii looga talagalay in shacabka Tigray gargaarka loo mariyo ay TPLF dagaalka uga faa’ideysanayaan haddana hay’adaha gargaarka waxay isku dayayaan inay dowladda eedo ay mudneyn u soo jeediyaan,” ayuu yiri.


Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa Toddobaad ka hor xabbad joojin ku dhawaaqday, balse TPLF waxay xabbad joojinta ku xirtay toddobo shuruudood.


Shuruudahaasi waxaa ka mid ah: "Ciidamada Eritrea iyo kuwa deegaanka Amxaarada inay ka baxaan deegaanka Tigray, ayna ku laabtaan dagaalka ka hor halki ay joogeen”.


Maamulka Deegaanka Amxaarada dhankiisa wuxuu sheegay: "Deegaannada ay shacabka Amxaarada muddo u soo halagamayeen ee jiritaankooda ku xiran” sida deeganada Raya, Alamata, Walqayt-Sagade iyo Satiit-Humera "inay difaacanayaan.”


Abiy Axmed farriintiisu wuxuu ku sheegay: "Shacabka Tigray dareenka aan u qabno iyo beesha caalamka heerka aan u joogno marki ugu dambeysay ayaan tusnay.”


Wuxuu intaasi ku daray: "Nabaddu waxay nooga baahan tahay xoogaha naf hurid ah, haddana waxaan ognahay xalka ugu dambeeyo inuu yahay mid nabadeed”.


"Innaga oo dadaal ugu jirno in aan fududeyno howlaha gargaarka bini-aadamnimo ee lagu gaarsiinayo deegaanka Tigray, haddana dhinaca kale cadowgeenna gudaha iyo dibadda oo iskaashanaya waxay nagu soo qaadeen dagaal ay u mideysan yihiin, kulligoodna waan iska celineynaa,” ayuu yiri.


"Naf-huridda shacabkayaga aan u sameynay waxaa ka faa’ideystay kuwa daciifka ah ee aan fahmin, natiijona ma keenin. Xoogagga TPLF inay yihiin cadowga ugu weyn ee jiritaanka Itoobiya, waxaa caddeynaya ficilladooda. Annaga oo shacabka Itoobiya oo dhan kaashaneyno cadowgaasi waan iska difaaceynaa waana ka guuleysaneynaa.”


Dagaalki bishii November 2020 ka dhex qarxay ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa TPLF, ka dib markii ay maleeshiyaad daacad u ah TPLF weerareen saldhigga waqooyi ee ciidamada Federaalka, oo socday in ka badan 7 bilood, waxaa ku dhintay kumannaan qof inkasta oo aan tirada rasmiga ah la haynin.


Ciidamada dowladda dhexe, 28 bishii June 2021, markii ay ka soo bexeen deegaanka Tigray, xoogagga TPLF waxay billaabeen inay dib u qabsadaan caasimadda Maqale iyo magaalooyin kale oo deegaankaasi ku yaalla.


Deegaanno in mudda ah ay ku muransanaayeen shucuubta Amxaarada iyo Tigrayga, waxaa gacanta ku dhigay malleeshiyaadka gaarka ah ee Amxaarada, tan iyo marki uu dagaalka Tigray billaawday.


Deegaannada Tigray hoostagayey balse Amxaaraduna ay sheegato waxaa ka mid ah Walqayt-Sagade, Satiit-Humera, Talamti iyo Raayaa.


Loading...
Loading...