Wasaarada Deegaanka Oo Xoolihii Ku Fasaxday Seerraha Ban-Cawl Ee Gobolka Togdheer

0
Thursday July 15, 2021 - 11:03:02 in News by
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Deegaanka Oo Xoolihii Ku Fasaxday Seerraha Ban-Cawl Ee Gobolka Togdheer

    Wasaarada Deegaanka Oo Xoolihii Ku Fasaxday Seerraha Ban-Cawl Ee Gobolka Togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Deegaanka Oo Xoolihii Ku Fasaxday Seerraha Ban-Cawl Ee Gobolka Togdheer


Hargeysa(HWN):-Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa maanta xoolaha dib ugu furtay Seerraha Ban-cawl ee gobolka Togdheer, kaasoo muddo saddex bilood ah ka xidhnaa xoolaha.



Seerraha Ban-cawl ayaa la xidhay badhtamihii afraad ee sanadkan ayaa ka mid ah seerreyaasha ay wasaaradda deegaanka Somaliland gacanta ku hayso.


Sababta loo furay Seerahan Ban-cawl waxay tahay si ay uga faa’iidaystaan dadka xoolo dhaqatadda ah ee gobolka Togdheer, maadaama oo hadda lagu jirro xilli Xaggaa ah oo dhulka intiisa badan uu Daaqii ka dhamaaday.

Furitaanka Seerraha Ban-cawl ee maanta waxaa goob joog ka ahaa maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer, isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale.

Geesta kale, qaar ka mid ah dadweynaha xoolo dhaqatadda ah ee loo furay seerrahani ayaa soo dhaweeyay in mar kale dib loogu furay xoolahoodda seerraha Ban-cawl, si ay xilligan Xagaagga ah ugu baxsadaan.

 


Loading...
Loading...