Xeegaddii La Ciyaaray, Kulmiye Waa Lugu Xaabshayo, Xantiina Suuqa Ku Baahday.

0
Thursday July 15, 2021 - 09:47:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeegaddii La Ciyaaray, Kulmiye Waa Lugu Xaabshayo, Xantiina Suuqa Ku Baahday.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R,WB.]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.


1-XINIINYO LAYSMA AMAAHSHO,XOOG HADDAANAY AHAYN,



XEEGADDI LA CIYAARAY,KULMIYE WAA LUGU XAABSHAYO,


XAAJADII WAY KU XUMAATO,XAGKASTA WUU ISKU QAADO,


XEELADNA SOO HELI WAAYO,XAYRAANBUU LA WAREERAY.


2-XANIBO GOLAHII XAYIRAD GELIYE,XILKOODII LAGA DIID,


XULUFAYSI ASXAABTU,XAAJO SOO JIRTAY WEEYOO,


XEER HORAY U AYDOO,KULMIYA UDUB XAADHSHAY,


UCIDNA WUU U XANBAARTAY,XALAAL BAYNA AHAYD.


3-XANTIINI SUUQA KU BAAHDAY,XISAABTAAD ISU GEYSAY,


XAAJIYOOW SOCON MAYSEE,DOORASHADII HA XUMAYN,


XALAALSHAA LA CUNAAYE,XUSULDUUB MA YARAYNE,


XIIR WAXAAN LA HELAYNIN,XANAAQ YAANU KU RAADIN.


4-XISBI ANIGOON U HADLAYNIN,XAQA AYNU TILMAANO,


XAAFAD WEEYAAN LABADU,XIGTO WEEYE WALAAL AH,


XEER HADDANU SHAQAYN,XISBIYADII LAGA MAARMAY,


XURGUF YAAN LA ABUURIN,XALKA U DAAYA DHEXDODA.


ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...