Horumarinta Af-Soomaaliga Soomaalilaan Ayaa Dayacday
Nin
baa laga hayey "Urna loo dhimay ufna odhan kari mayno”. Intii u dhaxaysay 1996
ilaa 2021-kan aynu jirno waa 25 sanno oo ay Soomaalilaan nabad waarta ku
jirtay, weli lama hayo intii xukumaadood ee mudadaasi oo jirtay inay maalin ku
fikireen horumarinta Afsoomaaliga. Sannad kasta bisha labaad ee Fabarwari
21-keeda waxa la xusaa maalinta qorista Afsoomaaliga, waxa ilaa hadda Hargaysa
lagu qabtaa xaflad kooban oo dhawr qof ka dhex tororogta guraan. Hadda
Soomaalilaan waa meesha ugu habboon ee Afsoomaaliga lagu horumin karo marka la
eego shantii Soomaaliyeed ee dawladnimada ku kala tegay, balse afku ka
dhexeeyo. Bishii ugu yaraan saddex buug ama afar buug oo cusub ayaa lagu soo bandhigaa
gudaha magaalooyinka Soomaalilaan. Bandhigyada buugaagta ee ka kala dhaca
magaalooyinka Soomaalida sida Jabuuti, Muqdisho, Garoowe iyo Jigjiga waxa
camira buugaagta laga keeno Soomaalilaan. Fursadaasi ayey xukuumadihii kala
dambeeyey ee Soomaalilaan dayaceen inay guddi horumarineed u magacaabaan
Soomaalilaan. Waxa ay dayaceen inay ururiyaan dhammaan abwaannada Soomaalilaan
iyo qorayaasha oo ay ururo iyo xafiisyo u furaan. Waa taa kolba abwaan ama
qoraa caan ah looga gacan haadinaayo Muqdisho, oo markuu warku soo baxo ay
qayladu yeedhayso. TASHAN WEYDEE WAA LAGU TALIN.
Dedeellada Dawladda Jabuuti
Dawladda
Jabuuti gaar ahaan madaxweynaha ayaa inta badan ah kan ugu mudan ee u taagan u
hiillinta Afsoomaaliga cid waayey. Waxa wax loo dhigaa aanay jirin xuskii
heerka qaran ahaa ee uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u qabtay
sannad-guurradii 40-naad ee qoristii Afsoomaaliga ee ka dhacday isla Jabuuti.
Wuxuu casuumad u fidiyey madaxweyneyaashii Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Kililka
Shanaad ee Itoobiya oo dhammaantood ka soo qaybgalay xuskaasi. Soomaalilaan
waxa uga qaybgalay madaxweyne Siilaanyo, halka Soomaaliya uu uga qaybgalay
madaxweyne Xasan Sheekh. Intii ay garan waayeen ayuu madaxweyne Geelle gartay. Ururuka
Qalinleyda "Somali pen” ayaa Jabuuti ka jiro oo uu fikirkiisa iyo hirgelintiisa
lahaa madaxweyne Geelle.
Khudbado kala duwan ayey madaxdu jeedisay oo u badnaa sidii Afsoomaaliga loo horumarin lahaa, hasayeeshee aan afka baarkiisa dhaafsanayn. Khuburo iyo aqoonyahanno isugu jira Soomaali iyo shisheeye ayaa xuskaasi ka qaybgashay, waxaana ka mid ahaa: Prof. Cabdalla Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame "Hadraawi”, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise AHN, Xuseen Sheekh Axmad "Kadare” AHN, Axmad Faarax Cali "Idaajaa”, Dr.Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin "Dhoodaan” AHN, Xasan "Ganey”, Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, abwaan Yuusuf Shaacir, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.
Talo soo jeedin:
Haddii la doonayo in afka la horumariyo, waxa la sameyn karaa guddiyo ka kala socda shantii Soomaaliyeed ee dawladnimada ku kala tegay. kuwaasi oo kala ah:
= Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga Soomaalilaan
= Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga Jabuuti
=Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga Soomaaliya
= Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga waqooyiga Kiiniya
= Guddiga horumarinta
Af-Soomaaliga Kililka shanaad
shantaa guddi ayaa iska soo dhexsaaraysa guddi guud iyaga oo xambaarsam dawladihii ay ka tirsanaayeen magacoodii, si meesha looga saaro guddi ay dawlad gaar ahi tunka ku sidato. sidaasi ayey guddigu hawshooda u galayaan oo ay kolba meesha ay doonaa shir ku qabsanayaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!