Maanso Baroordiiq Ah Oo Laga Tiriyay Geerida Xaaji cabdikariim Xuseen Yusuf ( Cabdi-Waraabe)

0
Monday May 13, 2019 - 08:03:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso Baroordiiq Ah Oo Laga Tiriyay Geerida Xaaji cabdikariim Xuseen Yusuf ( Cabdi-Waraabe)

    Waa tacsi illaahay ha unaxariisto x cabdi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa tacsi illaahay ha unaxariisto x cabdi .
Geeri naxdinloo
Na murug gelisiyo
Geesigii cabdoo
Inaga wada go,ay
La sheeg galabtee
Allow gee janada


Furaa nolosha geed
Kasta ha ugalee
Gacma wadajirbay
Wax ku Gooyaan
Ku guuleysayoo
Giiji nabadee
Allow gee janada

Si,aanay garboobku
Caanaa uganbiyin
Miskeedka gobaad
Hadba kii galuu
Ku garab joogaye
Allow gee janada

Gogol lagu ladiyo
Geedigii jeer
La furay guryo-samo
Nabadu uguntaduu
Heegana ugalee
Allow gee janada

Siixiibu garaad
Gobonimo jiroo
Go,aan samo uloo
Guurtiyuu ahaa
Allow gee janada

Odeynimo geyiga
Wada gaadhaybaa
Ugooni ahayde
Allow gee janada
Aamiin aamiin aamiin

By siciid maxamed cali
From finland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...