Miyaan Xaal-ba kaa Go'in ( Abdi-Shotaly) !
Maanta waxan halkan idiinku soo gudbi-nayaa, maanso "Xaley " ah,oo wax yaabo badan ka waramaysa, kuwaas oo dhamaan ka jira dal-keena hooyo, uguna wacan yahay,nin meesha baf-baf leh, ee raba in uu dalka k maamulo " Digtoo-naw, dib u jeeso, dig iyo debci, oo u ayst n ay meeshu tahay xero askari, ilayn waa waxaas aaneela u soo amrine, waxa haqn-kaas isaga ah ee " Raggii ma adigaa ka hadhay ka dhashay, arimaha ay tilmaamays maansa-dani, oo dhnac kasta oo nolosha ah, si aad uxad-dhaaf ah, oo xun u saameeyey, dal iy da inoo noolina aan jirn, marka laga reebo kooxdda heego, maansadani waxay guud ahaan idiin qeexaysaa haka xaal maraay, ee ku soo dhawaadda waa tane.
Xalay baan Hambaabiray, Xili dhexe Habeenimo,
Xiribuu indhaha iyo, huro kala xanaaqeen.
Badan-koodda xidiguhu, Weli ay xaroonoo,
Xayn-daabka gododkii, Xudintii ku ururoo,
Xaga sare daruurtiyo, Heego xoog u darareen,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim- keedi ii noqo,Hadhaw bay is xamataa.
Askarigii xadh-kaha goo, xaydh bab yeesho,
Xalus-kaaba naaxoo, badhidaa xarfanaysoo,
Isu gee xisaabtii, wixii uu xaraashiyo,
Baloodh xoog ku boobiyo, wuxu kala xabaadha-ba.
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim- keedi ii noqo,Hadhaw bay is xamataa.
Xamashooyin qarsoon iyo, Xanta hoose aan sheegee ,
Mudaan xeerinayey, Xukuumadoo magac weyn iyo,
Xafiis iigu dhawaaq-doo, Is waydaarsho Xisaabtoo,
Xaaraantaa la cunaayo, Xantoobo weyn an ka qaatoo,
Khasnadaa an xambaartoo, Xaaluf aan kaga yeelo,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Xeeladdii socon weydoo, Hadda waaban xanaaqoo,
Ku xumaaday Hargaysee, Xil hadaanan helyn,
Xamar baan tegayaa, Xildhi-baan kolay-tay,
Mid xafiiska ilaasha, Kuwa xaadha dariiqa,
Xinka maan u maleegtoo, Xagaa maan u wareego.
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Saxan-saxo xareed-liyo, Onkod xawdu yeedhiyo,
Hilaac xaraka-deeyiyo, Cirka awr ku xidhanoo,
Faalka laga xidigi-yiyo, Ido xaaluf daaqoo,
Xidigtii dagaariyo, Xariijintii habaar qabe,
Ku xabaalay hooyee, Xajiimaha u jiidiyo,
Kuwo xiiqsan baa jira, Eray aan xariiqayn,
Misna Booli-xooftadda, xumba-doodu badan tahay.
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Mar xasuustay laxahii, Isku xeeray samadee,
Qaasim uu xidhiidh-shee.Xadi-geedi maan-deeq( tixddii maandeeq),
Gabay uu xaluushee, Xalaasheedda suugaan,
Rabbi xaasil uga dhigay,Markii uu xijaab-taan,
Xarfihii ilaawoon, Ka xishooday gabay tirin,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Rabbi xarafka diineed hadaanu, Aadmi ku xormayn,
Xayawaanka duur-kiyo, Xaydha-weynta duushiyo,
Xoola-haan dhaqay-niyo,Xidin-xiidka shimbiraha,
Inan xaal la noqon layn, Xero aan la geli layn,
Xusbadiina geliyoo, Ku xamdiya Illaahay,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Xaalado la yaab-loo, Dalka toos u wadda xulay,
Xifaalaha la sheegiyo, Is xiniinyo taabasho,
La xafiiltan duul kale, Wanaag dabadda xaytiyo,
Shaal xumaani huwan tahay, Xeer aan cidnaba qaban,
Ku xariiqi hoosta'e, xafid oo Diwaan geli,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Xadda kale waxay tahay, Askariggii xadhaadh-yoo,
Xinjuruu ku maydhaa, Xiidmihiyo midhi-cirkii,
Xubna-leydda seedaha, Xamaguu la ledayaa,
Xurguf ruux keenoo, Xawdda wuxu ku jarayaa,
Abalay xaadna reebine, imikuu xaniban yahay,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Imisaa ku xiiqoo, Ku xabeebtay cunihii,
Wuxu kala xadeeyoo, Xigto hoos u siiyiyo,
Inta qoys ku xeerani, Hanti-deeni xada-yaan,
Xog markaad ka sheeg-tana, Xabsi-gaad u hoyatiyo,
Ciidan lagugu xoon-shaad, Xashee u halis tahay,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
Xusbi-yadan mucaaridku,Xagal daacan joogiyo,
Dalkii wuu xumaadee, xal-keeddii ha keeneen,,
Ummadani ma xulata-ba, Kii xanaano siin laa,
Way kala xabaadhaan, Sidda xoolo degel joog,
Waxay daba xushlee-yaan, Qabiil ay u xeebtaan,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,
Kulmiyahan xanaaq-sane, Xadan-tooday baqahee,
Xubnihii is jarayee, Xantii-saba ogaynee,
Xaga dambe habeeddii, K u xineeyey kaadidda,
Sidda roob xagaayo ah, X oox beena lisayee,
Xafladaha ku beretama, Xalaynala-ku soo biir,
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,
Xeebaha dhamaan-tood, Xaaxee-yaddii badda,
Kaluunkii xidaysnaa, Xorfaddii shidaal-kiyo,
Xisaabtii turkiga iyo, Kuwa xidhan khamiis-yadda( Shuyuukh-dda),
Xuduudaha Imaaraad, Kuwayt iyo xageeddaa,
Xamashaa
ka joogtee, Ha micneeyo Xaajigu.
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,
Ninkii xoorka dhami jirey, Xaabaduu wareejaa,
Xaafidal quraankii, waa Xawaalad dooniyo,
Xasyey-siinta Ribadoo,Gadhkii xamash intuu dhigay,
Uu u xaytay maradduu, Xeelado qarsoodiya,
ku dirtaa xisaabtoo, jebi Xeerki diineed.
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,
Dhalin yaro is xoodoo, Is xoojaysa socod-kana,
Dhaqan-koodu xooroo, Surwaalkii xaglaha dhigay,
Qadaadkii ka xiirtoo, Xaragaddii sidaa biday,
Cidna aan Xaq dhawrayn, Waalid aan xushmay-nayn,
Naf-toodana xanaanayn, Xuunsho miyaad ka garataan?
Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,
Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,
Xaakim-keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!