Dalkii Somaliland Ma Dawlad Ciidan Oo Shuuci Ah Ayaa Qabsatay Tolow ? !!!
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Somaliland
warbaahinteeda waxa haysta ciidamo ilaa intii ay xukuumada madaxwayne
Biixi dalka taladiisa qabatay oo qaar tababar loo xidhayo iyo qaar loo
furayo ah , baraha bulshada ee ay madaxtooyada iyo hay'adaha dawladu
leeyihiin waxaa haysta oo ka muuqda muuqaalo ciidamo marwalba.
Munaasibad waliba oo la qabto sawiradeeda waxaa buuxiyey ciidamo
garab yaacaya madaxweynaha oo in ay ilaaladii yihiin aad moodo oo ka
badan 7 taliye ciidan, xafladaha ugu badan ee uu madaxweynaha
jamhuuriyada Somaliland ka qayb galaa waa qaar ciidan oo soo batay intii
uu kursiga joogay iyaguna.
Baryo dhexdii ahayd waxaa soo baxday in xukuumada lagu eedaynayey in
ay dad ku xidh-xidho kuna jidh disho guryo aan aheyn goobo ciidan, oo
ay ciidamo gaar ah u sameysatay arimahani oo layaab iyo anfariir ku
noqday dalka jamhuuriyada Somaliland oo la xasuustay hab dhaqankii
dawladii kacaanka.
Waxa kale oo la hadal hayaa hadda waddaniyad la baranayo iyo shaqo
qaran oo dadka la galinayo oo aan ujeedadeeda ilaa hadda la fahmin ,
dhamaantood waa astaamihii kacaanka shuuciyada laga dhaxlay mana ah
qaab ay dawladaha dimuqaradiga ahi isticmaalaan hab dhaqanka muuqaalada
noocan ah leh, oo layaab nagu noqday.
Dalka jamhuuriyada Somaliland waa dal leh dastuur casri ah oo uu ku
jiro ilaalinta xuquuqaha ama qaybta xuquuqaha ( bill of rights ) iyo
xeerar wanaagsan oo dastuurka ka farcama oo goleyaasha xeer dejintu
sameeyeen ( legislative houses ) intani oo u baahan in dawladnimada lagu
dhaqo oo lagu shaqeeyo si dalku u noqdo mid uu shaqeeyo awooda
shuruucdu ( Rule of law ) , ma jirto wax looga baahan yahay wadaniyad
iyo jibo kacaan.
Sidoo kale waxa soo batay in aad moodo in dalka dawlad cusubi
qabsatay oo qaabkii maamul laga badelay marka uu masuul walba oo meel
haystaa iska soo saaro awaamiir aan la garanayn waxa uu u cuskaday,
waxaasi oo dhamaan is biirsaday iyo dadkii oo hadal daayey ayaa taagan
hadda.
sharciga iyo dastuurka dawladu waxa ay ka adeegsataa inta ay cidii
ay doonayso ku eedayso, sidoo kale inta ay xukuumadu rabto in ay ku
cadaadiso mucaaridka iyo cidwaliba oo tidhaahda dalka waxbaa ka qaldan,
hab dhaqanka noocan ahi waxa uu dalkii ka dhigey mid aan la ilaalin
xuquuqaha iyo Xoriyada aasaasiga ah ee muwaadinku xaqa u leeyahay,
waxaana dalkii noqday bilaa sumcad.
Hadii aan ujeedo kale iyo nidaamka maamul ee dalka in hab ciidan loo
rogo aan lagu socon xukuumadu ha joojiso hab dhaqanka shuuciyada iyo
nidaamkii kacaanka ah oo ay la dhacsan yihiin dadkii dawladii kacaanka
soo gaadhay inta kale na ay la yaaban tahay wax loola jeedo.
Ciidamadu waa halbowlaha qaranka waxaana ay ku maamuusan yihiin
halkooda laakiin maharajaankan joogtada ah , waxa uu dalkii u
eekaysiiyey dawlada xukunka milatery iyo nidaamka kalitaliska ah taas oo
ah foolxumo weyn , waayo wax walba oo intiisa la dhaafiyo oo la
buun-buuniyaa waxa uu yeeshaa waji kale iyo macno kale.
Hadii uu moodayo madaxweynaha talada hayaa in cahdigani yahay
xiligii ciidamada lagu kala adkaanayey ee la isku dhoola tusan jirey
aduunku maanta halkaasi wuu dhaafay oo dagaalka ugu weyn ee lagu kala
adkaadaa waa diblomaasiyada iyo dagaal siyaasadeed oo aqoon ku dhisan,
waxaana tusaaleyaal inoogu filan waxa hareereheena ka dhacaya .
Somaliland ha loo ilaaliyo dastuurka iyo xeerarka ka farcama ,
dawladnimaduna waa in ay noqotaa dawlad maamul wanaag iyo sharci wanaag
dadka Somaliland iyo dibada jamhuuriyada Somaliland ba lagaga qiimeeyo
oo aan qori uuni muuqan iyo direys ciidan.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...