Gabdhaha Ciidanka Harmacad Oo Looga Digay Isticmaalka Tiktok

0
Thursday July 15, 2021 - 09:01:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabdhaha Ciidanka Harmacad Oo Looga Digay Isticmaalka Tiktok

    "Ogaada gabdhaha soomaaliyeed dhibaatooyin badan bey la kulmaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ogaada gabdhaha soomaaliyeed dhibaatooyin badan bey la kulmaan"

Dhawaan waxaa dalka Turkiga loo qaaday tiro gabdho ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad ee Soomaaliya, gabdhahan oo tiradoodu gaareyso 48 waxay tababar kala duwan kusoo qaadaan doonaan dalka Turkiga.



Waa markii ugu horeeysay ay Soomaaliya yeelato koox wada gabdha ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Janaraal Zakiya Xuseen xilli ay sagootineysay gabhaha.


Taliyaha ayaa dardaarn dheer siisay gabdhaha, waxay ugu baaqday inay ilaaliyaan mas'uuliyad ah inay yihiin ciidan qaran isla markaana ay isku duubnaadaan.


"Marka koowaad waxaad matashiin qarankiina, mas'uuliyadda idiin waa mas'uuliyad safiir oo kale, maanta haddaad noqotiin ciidan la kari karin amar qaadaneynin oo ciyaal suuqnimo ku dhaqma waxaa la leeyahay gabdhaha soomaaliyeed baa sidaas ah..waxaad ogaatiin in aad matashiin qarankiina iyo ciidanka booliska soomaaliyeed"


Janaraal Zakiya Xuseyn waxay uga digtay gabdhaha tababarka loogu qaadayay Turkiga isticmaalka barta TikTik ama baraha bulshada taa baddalkeedana ay diiradda saaraan ka miro dhalinta tababarka.


"Qoftii maanta u niyeysato inay TikTik kasoo muuqato ama baraha bulshada ay ku booteyso ajarkeeda waa halkaa, weyna naga hari doontaa haddan idiin sheegayaa, wixii hadda doonaya xayeysiin TikTik ah haddaba diyaaradda ha iiga harto"


Waxay gabdhahan u ambabaxayay Turkiga kula dardaarantay inay ka fakaaraan sidii looga hortaggi lahaa tacaddiyada ka dhanka ah dumarka ee ka dhaca Soomaaliya.


"Ogaada gabdhaha soomaaliyeed dhibaatooyin badan bey la kulmaan ama kufsi ha noqoto , dil ha noqoto, afduub ha noqoto , guur khasab ah ha noqdo, maanta haddey helaan ciidan gaar ah oo gabdho kaliya ah ka tirsan oo iyagu xuquuqdooda u doodayo gabar walbo soo kuma seexan karto nabad iyo barwaaqo"


Ciidanka Haramacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.


Ciidankan tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.


Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin shiishka iyo hawlgallada qorsheysan.


Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda ee NISA, sida uu BBC-da horraan u sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.


BBC

Loading...
Loading...