Dowladda Federalka oo heshiis Malaayiin Doller ay ku kaceyso la saxiixatay Qaramada Midoobay iyo Talyaaniga

0
Thursday July 15, 2021 - 08:15:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federalka oo heshiis Malaayiin Doller ay ku kaceyso la saxiixatay Qaramada Midoobay iyo Talyaaniga

    Waxaa madasha lagu daah-furay lagu-na saxiixayay mashruuca oo uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa madasha lagu daah-furay lagu-na saxiixayay mashruuca oo uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud


May be an image of 5 people, people standing and suit



Waxaa magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta Xil. Khaliif Cabdi Cumar, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula iyo Madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia, kuwaa oosi wada-jir ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka (PSDP).

 

Waxaa madasha lagu daah-furay lagu-na saxiixayay mashruuca oo uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxa mashruuca ku baxaysa lacag dhan 2 Malyan oo dollar oo ay ku deeqday dawladda Talyaaniga.

 

Dhanka kale Mashruucan wuxuu ahmiyad gaar ah u lee yahay horumarinta qeybaha iyo hay’adaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka sida Beeraha, shaqo-abuurka, Kaluunka, taageerista hal-abuurka ganacsatada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha si ganacsatadu ay wax-soo-saarkeeda ugu dhoofin karto dalka dibaddiisa iyo guud ahaan horumarinta ganacsiga Soomaaliyeed.

 

Mashruucan ayaa waxaa hir-gelintiisa hoggaaminayso hay’adda UNIDO ee Soomaaliya, hay’adda FOA, iyo hay’adda ILO oo kaashanaya Wasaaradaha Ganacsiga, Beeraha iyo Kaluumaysiga iyo Shaqada.

Loading...
Loading...