Yaa Doonaya In Cimrigiisu Dheeraado Qaad Cabdi Waraabe's Procuture 11/5/019

0
Monday May 13, 2019 - 08:00:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Doonaya In Cimrigiisu Dheeraado Qaad Cabdi Waraabe's Procuture 11/5/019

    Ku dayo oo raac dariiqii uu qaaday cabdikariim xuusen ( cabdi waraabe )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dayo oo raac dariiqii uu qaaday cabdikariim xuusen ( cabdi waraabe ) oo ahaa ababhii nabadaynta aabihii dejinta iyo ukal dabqaadka ,abihii dhexdhexaadinta iyo soo afjarida khilaafaadka umada reer Somaliland,


Cabdikraam isaga oo yar ayuu gartay in maslaxdu khayr tahay, uun khayr ku jiro, markii loo diray inta qori loo dhiibay lani yidhi orodoo ninkii abaah dilay soo dil oo ka soo aarso,cabdikariim waxaa uu ku suntaanaa mar kasta nin u taagan muslaxd haday dowlad tahay iyo haday umada dhexdeeda tahayba,



Diinteenuna waxay aad iyo aad u tixgalisay in heshiisiinta amaba maslaxadauu khar wayni ku jiro , rasuulkeenii ( scw ) waxa uu yidhi” ma idiin sheegaa waxa ka khar badan soonka sunahaa, sadaqada sunaha , iyo salaada sunahaa. Abu dardaar oo goobta joogay baa yidhi,rasuul alow noo sheeg, " dadka dhexdooda oo la heshiisiiyo” waxaa kale oo rasuulkii yidhi " maalka sakad si aad heshiisiin u samayso dayn baad guriga maalka ka qaadan kartaa”


Hadab si cimrigaagu u dheeraado oo dadaadu maanta aynu ku aasnay cabdikaram xuuseen iyo in kabadanba aad gaadho ku dagaal oo raac (cabdiwarabe procuture ) hadii illahay kuu qadarab in aad cid heshiisiiso raac tallaboo yinkan uu cabdi waraabe qaadi jiray.


·in aad waqti munaasiba u doorato dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta aad galaysid

·sug oo dhugo inta uu damayo khilaafkiika jiray labada dhinac, waxaana haboon inaad qaboojiso. Marka hore

·ha noqon mid wax ku doona heshiisiintaa aad gashay ,amaba si istusid ah u gala, iyo in aad samcad ka raadis,

·kuna dadaal in si cadaalad ah u gudoomiso labada murmaysa ,iskana jir in aad dulmi kula kacdo daraf ka mid ah labada muransan,

·aha how midlabada dhinacba ku xukama shareecada islaamka ,hadii aanad kugu adkaatanin aad culimada u soo bandhigto,

·ina aad u degdegto heshiisiinta walaalahaa ha ahaadaan laba iyo waxii ka badaba.

·In aad ka hortagto wax kasta oo jabinaaya maslaxaadaa aad gashay kana war haysaa sidii ay u fushay howshaasi.

·A how nin dadka ku waaniya heshiisiinta iyo in khillafku yahay wax xun oo bulshada iyo umadab u xun. Dibna u rida .

hadab faaiidooyinka heshiisiinta waxaa ka mid aha :

·is jeclaansho

·dadkoo walaalooba

·is necbaanshaha iyo karaahiyada oo hadha

·beerid la beero is cafiyid , iyo isu naxriisasho.

·Kasab aad kasbato wanaag

·Toosnaan ay toosnaato nolsha bulshadu

·Deganaasho bulshadu ku noolaato iyo deganaan qalbigaa iyo dareenkaa .

·Dilka iyo kal aargoosashada oo meesha kabaxda

Gabogabdii

Hadaba cabdi waraabe wax la odhan karaa nabada sameeye (peace maker ) waxaanan ubadkiisii uu aduunka kaga tagay uga baryaeynaa samir iyo iimaan in illahay ka siiyo ,kuna si foobaan qaar raaca dhaqankii aabahood,

By: khadar adam aw muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...