Nuxurka Fariin Muuse Biixi U Diray Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden Oo La Shaaciyey

0
Wednesday July 14, 2021 - 19:11:03 in News by
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Fariin Muuse Biixi U Diray Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden Oo La Shaaciyey

    Nuxurka Fariin Muuse Biixi U Diray Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Fariin Muuse Biixi U Diray Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden Oo La Shaaciyey

Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska weyn ee Newsweek ee Maraykanka waxa uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Madaxweynaha Maraykanka Mr Joe Biden siyaasaddiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan Geeska Afrika door muhiim ah ka siiyo iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka.

Nuxurka Maqaal Madaxweyne Biixi ku daabacay Newsweek


Muuse Biixi waxa uu qormadiisa ku lafo-guray caqabadaha ka jira gobolka Geeska oo dawladda Maraykanku danaynayso una soo diratay wakiillo laakiin, ay mudan tahay in arrintaas door laga siiyo Somaliland oo wax badan kala qaban karta Maraykanka danihiisa gobolka iyo guud ahaan ahmiyadda uu leeyahay iskaashi dhexmara Maraykanka iyo Somaliland.


Muuse Biixi waxa uu warbixintiisa ku sheegay in somaliland ay dalalka dimuqraadiga ah ee maraykanku ugu horeeyo ay ka caawin karto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan gobolka geeska Afrika kuwaas oo caqabad ku ah danaha ay wadaagaan dalalka dimuqraadiyada ku dhaqmaa.

Dagaalada hubaysan, khilaafyada siyaasiga ah, rabshadaha dhexmara qoomiyadaha ,dagaalada hubaysan iyo colaadaha ka taagan dalal ka mid ah wadamada geeska Afrika oo qaarkood xuduud la wadaagaan somaliland ayuu Muuse biixi ku sheegay warbixintiisa inay saamayn ku leeyihiin deganaanshaha gobolka balse ay y iska kaashan karaan wadamada dimuqraadiga ah ee maraykanku hormoodka u yahay.


Saaamayn taban oo maraykanka ka soo gaadha dhibaatooyinka ka taagan meelo ka mid ah mandaqada geeska Afrika dhaawacna gaadhsiin kara danaha Washington ka leedahay ayuu muuse biixi sheegay inuu ka war hayo madaxweynaha dalka maraykanka Joe Biden taas oo keentay inuu soo magacaabo laba ergay oo gaar ah, balse dhibaatooyinka ka taagan geeska Afrika ayuu muuse biixi aaminsan yahay in lagu xalin karo xulafo laysku halayn karo oo maraykanku samaysto isaga oo cadeeyey in somaliland ay soo dhawaynayso inay qayb ka noqoto xulafadaasi si ay gacan uga gaysato in wax laga qabto dagaalada yemen lana soo afjaro rabshadaha ka socda dalkaItoobiyaiyo in korloo qaado lana ilaaliyo aamaanka marin biyoodka gacanka cadmeed iyo badda cas oo ay si joogto ah u adeegsadaan ganacsatada iyo ciidanka badda ee maraykanku.


Muuse Biixi qoraalka uuu diray madaxweynaha maraykanka waxakale oo uu kaga digay dhibaato danaha Washington ka soo gaadhi karta saldhigyada milatari ee shiinuhu ku leeyahay qaar ka mid ah wadamada jaarka la ah somaliland, xidhiidhka xoogan ee u dhaxeeya maraykanka iyo Taiwan ayuu muuse biixi sheegay in danaha maraykanku ka leeyahay qaar lamid ahi ay diyaar ugu yihiin somaliland.

Iskaashi dhaqaale oo dhexmara somaliland iyo maraykanka ayuu muuse biixi ku sheegay inay ka mid yihiin sababaha loo balaadhinayo dekeda magaalada berbera oo ay maalingelin ku wado shirkada DP World, isaga oo ku baaqay maalgashi lagu sameeyo suuqyada ganacsigoodu dihin yahay ee somaliland.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in 30-kii sano ee u dambeeyay Dunidu ka marag ahayd horumarka Somaliland halka dalal waaweyn iyo ku yaryar oo Afrika ah la daala dhacayaan muran dhuleed, dagaallo qoomiyadeed, kuwo diimeed.


"Inbadani ma taqaan Beesha Caalamkuna ma aqoonsana, haddana Somaliland waxay ku guulaysatay meelo aanay qaar (dalal) badan ku guulaysan—iyada oo ay yar tahay taageerada ay ka hesho dalalka Qaadhaanka bixiya ama Shirkaddaha/hay’addaha caalamiga ah. Waxaanu qabsanay doorashooyin badan oo dimuquraaddi ah oo qof iyo cod ah, waxaanu dhulkayaga ka baajinay Argagixisada, waxaanu baddayada ka ilaalinay Budhcad badeeda, iyada oo aanu iska dhawrnay faro gelinta shisheeyaha oo kuwa kale (dalalka deriska) ee gobolku isu dhiibeen. Waxa aanu dhidibada u taagnay deggenaansho dhaqaale oo u kobcaya sida kaabeyaasha iyo warshadahayagu u korayaan una qaan-gaadhayaan,”


Waxa uu tilmaamay isbedellada Somaliland samaysay kadib xorriyad kala soo noqoshada midawgii fashilmay ee Somalia, haddana ay ku naaloonayso horusocod dhaqaale iyo dimuqraaddiyad "Waxaa sharaf ii ah in aan ahay Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland ee si dimuqraaddi ah loo soo doortay. Guusha Somaliland waxa qayb ka ah is aamminsanaanta muwaadiniinta dhexdooda, taas oo marka ay wakhtigeeda timaaddo aan Madaxweynaha 6-aad xilka ku wareejin doono,’


Loading...
Loading...