Loollanka Shirguddoonka Oo Maraaya Marxalad Xasaasi Ah + Xubno Wasiirro Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan KULMIYE Oo Ka Biyo Diidsan Faratoon

0
Wednesday July 14, 2021 - 17:12:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loollanka Shirguddoonka Oo Maraaya Marxalad Xasaasi Ah + Xubno Wasiirro Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan KULMIYE Oo Ka Biyo Diidsan Faratoon

    Loollanka Shirguddoonka Oo Maraaya Marxalad Xasaasi Ah + Xubno Wasiirro Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan KULMIYE Oo Ka Biyo Diidsan Faratoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Loollanka Shirguddoonka Oo Maraaya Marxalad Xasaasi Ah + Xubno Wasiirro Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan KULMIYE Oo Ka Biyo Diidsan Faratoon


Hargeisa(HWN):-Saacad iyo il-bidhiqsi walba kan ka dambeeya, waxa cirka isku sii sharreeraya Xamaasadda iyo Xiisadda loollanka shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,Sidoo kale, iyana waxa sida cir-toobta oo kale samadda isku xidhay guuxa, galeydhka iyo guura-bahalaynta xubnaha dhinacyada kala taageersan shaqsiyaadka qaarna hanku shidayo, kuwa kalena ficilku waddo.



Teeda kale, waxa intaa raaca oo arrimaha sida gaas kabriid lagu qabtay oo kale, Cir-ciraad ku laalay Xubno siyaasiyiin Dilaaliin ah oo u adeegaya Muuse Biixi,isla markaana uu u soo diray inay kala furfuraan mucaaradka,laakiin mari waayey Xubnaha Xildhibaannada mucaaradka ee  UCID iyo WADDANI oo iyagu xaraarta butaystay,isla markaana aqlabiyadda middaysan oo mitid ah haysta.

Marka la isku geegeeyo xiisadaha taagan, dhaqdhaqaajinta Beelaha, shirar-doceedyada iyo Siyaasaddaha Af-dhuunyaaleynta ee xubnaha qaar ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE waxa arrimahani iftiimiyeen ama dibeda soo dhigeen xaqiiqada xubno in badan la tuhunsanaa oo ka tirsan xukuumadda in aanay ku qanacsanay Musharrax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu u wato Madaxweyne Biixi inuu ku dhiso ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Loading...
Loading...