Xildhibaan Hore Ula Saftay KULMIYE Oo Mar Kale Sheegay Inuu Dhisaayo Shirguddoonka Isbahaysiga
Xildhibaan Hore Ula Saftay KULMIYE Oo Mar Kale Sheegay Inuu Dhisaayo Shirguddoonka Isbahaysiga mucaaridka ah
Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Jaamac Ahmed Oogle oo ka mida Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, isla markaanna ka soo baxay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay inay ceeb iyo nusqaan ku tahay Xildhibaanka in lagu baayaco Afartan kun iyo wax ka hooseeya.
Xildhibaan Jaamac Ahmed Oogle oo hore u sheegay innuu dhisaayo Shirguddoonka uu wato XIsbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa imikanna waxa uu sheegayaa innuu dhisaayo Shirguddoonka ay wataan Isbahaysiga xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.
"Meel aan ku idhi Xisbiga KULMIYE ayaan ku biirray ma jirto, rag Xildhibaano ah oo Han leh baa Nin-ba nin taageersannaa, markaa ragaas Nin ka mid ah ayuun baan taageeray, haddeerna waxaan go'aansadday Ninkaas Isbahaysigu wado inaan dhiso.
Ninkaasi waxa uu ahaa nin aan jeclahay oo aannu saaxiib nahay, laakiin saaxiibtinnimada iyo siyaasaddu isma waafaqaan, markaa waxa iga deggi wayday inaan KULMIYE dhiso. Waxaannu ahayn 8 Xildhibaan oo aan afkaba ka sheegee Habarjeclo ah, waxaannay ragaasi u badnaayeen ragii ka soo baxay KULMIYE, aniguna waan u sheegay Madaxweynaha, si fiicana wuu noo qaabilay Madaxweynuhu, laakiin wixii aanu ka wada-hadalnay waxa ugu waynayd tabashooyin ay tirsanayeen beeshan aan ka soo jeeddaa, dadkanna in sharaftiisa la caayo maaha Xildhibaan ku soo baxay 300,000 kun doollar in la yidhaahdo waxa lagu iibsanayaa Afartan Kun oo doollar waxaan u arkaa sharaf dil iyo cay aan meesha qaban." Ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac Ahmed Oogle
Loading...
Loading...