"Waxaannu Awoodda Saarayna Sidii Miisaaniyadda Xuquuq Badan Looga Siin Lahaa Ciidamadda"...Xil Barkhad Batuun

0
Wednesday July 14, 2021 - 10:53:13 in News by
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Waxaannu Awoodda Saarayna Sidii Miisaaniyadda Xuquuq Badan Looga Siin Lahaa Ciidamadda"...Xil Barkhad Batuun

    "Waxaannu Awoodda Saarayna Sidii Miisaaniyadda Xuquuq Badan Looga Siin Lahaa Ciidamadda"...Xil Barkhad Batuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaannu Awoodda Saarayna Sidii Miisaaniyadda Xuquuq Badan Looga Siin Lahaa Ciidamadda"...Xil Barkhad Batuun

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay inay awoodda saari doonaan siddii ciidamadda u heli lahayeen dhaqaale kaba noloshoodda iyo ta qoyskoodda.Islamarkaanna wuxuu dhaliilay Taliyaha ciidanka booliska oo ku xaragoodda gaadhi qaali ah, halka askariga waddada taaganni aannu haysan dal uu roobaabka ka dugsaddo marka uu guddanayo waajib shaqo.




Xildhibaanku wuxuu sidda ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa baraha bulshadda oo u dhignaa sidan:”Askarigani wuxu mudan yahay Billad sharaf waa muwaadin daacadnimo iyo dadaal dheeraad ah muujiyey duruuf kasta oo haysatana danta guud adeega dadweynaha ku dadaalay, Hambalyo ayaan leeyahay Geesigaas.


Damiir ahaan iyo dawladnimo ahaanba wax la qaadan karo maaha Askariga Muwaadinka ah in aanu haysan dallaayad roobka uu ka dugsado, Taliyihiisina wato Gaadhi V8 ah oo 50 kun oo dollar ah. Baarlamaan ahaan waxa aanu xooga saari doona sidii Ciidankeena noloshooda loo ilaalin laha miisaaniyaddana xuquuq badan looga siin laha, Direyskooda, Gawaadhidooda, nolosha qoysaskooda, Mushaharkooda, iyo quruxda direyskooda Alle ha guuleeyo Ciidankeena ciddi kaga tagri fasha maaliyaddoodana maxkamad ayaanu la tiigsan. Allow, Dalka iyo Dadkaba noo barakee.”


Loading...
Loading...