Damalka Nabad Ee Lagu Dego, Lagu Nasto La Hadh-Saduu Ahaa , Xaajji cabdikariim Xuseen Yusuf ( Cabdi-Waraabe)

0
Monday May 13, 2019 - 07:48:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damalka Nabad Ee Lagu Dego, Lagu Nasto La Hadh-Saduu Ahaa , Xaajji cabdikariim Xuseen Yusuf ( Cabdi-Waraabe)

    INAA LILAAHI WAA INA ILAHEYHI RAAJICUUN .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

INAA LILAAHI WAA INA ILAHEYHI RAAJICUUN .

ALLE HA U NAXARIISTO XAAJI ABDIKARIM WARAABE JANATU-FARDOWSANA HA GEEYO HA KU NAGEEYO.

Nin Oday Xeer-beegti Nabdeed Dhaqan Diint Dun iyo Milgo ,imman iyo Hal-adeyg Gar-yaqaan Balan-oofin ixtraam Rabi u dhashay oo ku gadaamay ayuu ahaa Xaajji Cabdi Waraabe.



WAXA BAXAY OO GALBADAY KII UGU QAALI SANAA RUGUKUNADA NABAD IYO ISKU HAYNTA UMMADA SOOMAALI MARKA LA YIDHAAHDO EE QARNIGII LABAAD IYO KAN 21 AAD SOO GAADHAY.


WAA KA TACSIYADEYNAYAA QARANKA GUUD AHAANTII GAAR AHAAN QOYSKII ,EHELAD IYO QARABAADII XAJJI CABDIKARIIM XUSEEN YUSUF (CABDI-WARAABE ) SIDDO KALE ASXAABTIISI SXABDII IYO INTII UU JECLA IYO INTII JECELEYD BA.

WAXA UU AHA DHIDIBADII QARANKU KU TAAGNA MID KA MID AH OO MAANTA RABI INNAGA OOFSADAY .

RABI WANAAGII IYO ISU JIIDKII UMMADA EE UU GASHADAY ABAALKISII ALLE HA GUDOONSIIYO.


Waxa aynu aad u tabayna Kaalintii Muuqa iyo Gole-ka hadalka ee uu rag-isdiidan isugu ,Seeto-xidhi jiray balse ( Alle ha,) innagga dhigo kuwo ku hanuuna Tallyinka iyo Tusalloyinka ma guraanka e ee dhaxal-galka ee innooga tagay kuwo qaata oo wax ku qabsada. Marnaba helimeyno Ragnimadisi iyo Daacad u howl galkiisii aan daaalka iyo kala go,aa lahayn.

Xaajji Cabdi Waraabe waxa Nin ka fog danta shikhsiga iyo ta Reer iyo dhowr qof balse waxa alle ka dhigay mid u taagan Danta guud ee Ummadda iyo wada-jirkeeda.


Xigmadaha aan ka qoray waxa ka mid ahaa mid ku jirtay hadal uu ka jeediyey 1993 Berbera Colaadii ka dhacday oo uu ahaa Hormuudkii iyo Haldoorkii Arinta soo af-jarideeda u taffo-xaytay Xigmadaasi waxay ahayd " wuxu yidhi mar bay ka wanagsan 10 Nin oo wada Ragnimo ah oo Xiniino lehi, Afar Doqon oo dantooda isku ogol isu na dabo-fadhiista . " Waxa aan fahmi karra rag-golaha amma goobta joogay oo uu marka magacaba yey inay ahaayeen ragga hore u qaadan waayey Nabad iyo Turxaan bixinta.


Waxa uu so dadban iyo so toos ah iyo il-dheergaradnimo ku jirtoba ragga u dareensiinayey halka ay ragganimo ka dayeyaan inaaney ku jirin Maalinta taas oo kale ay goobta ku sugnaayeen Xalada-waayaheeda duruufteeda wada taan ay ku sugaanyeen .


Waxa kasta iyo howl kasta ba uu inoo soo qabatay iyo Heykal ,Hanaan iyo inoo soo guntay inoona soo xidhayba Maanta Alle Wakhtigii uu oofday ka dhig Xajji Cabdikariim Waraabe.

Marka waxa inaguu waajib ah duco aynu rabi uga duraansano inuu ka mid noqdo kuwa uu gacant midig uga dhiibo Kitaaabkooda JANATU-FARDOWSANA ku Macsuumo.


Intii uu Dunida joogay ee Garaad iyo Gaashan qaadayba ka soo bax waxay Diinta alle ku waajibka aha intii karaankiis iyo kartidiisa ah alle na ku astur wax kasto uu ka guurtiyey kanna odayey .

Alle ha u Naxariisto Xajji Cabd Xuuseen Yusuf ( Xajji Cabdi-Waraabe)

ABOKOR I MOHAMUD

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...