Tigrayga Oo Sheegay Inay Ciidanka Itoobiya Ka Qabsadeen Magaalo Muhiim Ah Deegaano Kalana Ku Sii Durkayaan

0
Wednesday July 14, 2021 - 10:43:28 in News by
  • Visits: 1449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tigrayga Oo Sheegay Inay Ciidanka Itoobiya Ka Qabsadeen Magaalo Muhiim Ah Deegaano Kalana Ku Sii Durkayaan

    Tigrayga Oo Sheegay Inay Ciidanka Itoobiya Ka Qabsadeen Magaalo Muhiim Ah Deegaano Kalana Ku Sii Durkayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tigrayga Oo Sheegay Inay Ciidanka Itoobiya Ka Qabsadeen Magaalo Muhiim Ah Deegaano Kalana Ku Sii Durkayaan

Mekelle(HWN): Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay kusii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka kahor.
Madaxwaynha Ismaamulka Tigrey Oo Ka Hadlay Weerarkii Ay Ku Qaadeen Asmara. - Idman news



Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Tigray-ga.

Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray. Hase yeeshee qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta gobolka ayaa waxaa haysta ciidamada maamulka deriska la ah ee Amxaarada.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii Reuters u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta Mekelle, ayna kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur kasii xigta.

Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, kama uusan hadlin cidda maamuleysa magaalada Korem mar ay wax ka weydiisay Reuters, hase yeeshee wuxuu farriin qoraaleed ku yiri "waxaan ku dhowaaqnay xabad-joojin,” isaga oo ila jeeda xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday kadib markii ay ciidankeeda kala baxday Mekelle. TPLF ayaa xabad-joojintaas ugu yeertay "kaftan”.

Afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, iyo madax howlgalka dowladda ee Tigray labaduba kama jawaabin codsi ay u dirtay Reuters oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadlaan.

Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka ka hor la soo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro.

Loading...
Loading...