Taxanaha xikmadda Q:4aad

0
Wednesday July 14, 2021 - 08:48:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha xikmadda Q:4aad

    Xikmaddihii iyo odhaahihii Imaamu Shaafici AHUN.(Asaasahii mad-habka Shaaficiyadda)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xikmaddihii iyo odhaahihii Imaamu Shaafici AHUN.(Asaasahii mad-habka Shaaficiyadda)


1: "Qofka wax laga caroodo lagu sameeyo, oo aan caroonini waa dameer. Qofka loo sameeyo wax lagu raalli noqdo, oo aan raalli noqon isagu waa shayddaan."
2: "Dadka oo oo loo wada furnaadaa, waxa ay ku dhaxalsiisaa saaxiibo xun; dadka oo laga xir-xirnaadaana, waxa laga dhaxlaa colaad. Hanna wada furnaan, hanna wada xidhnaan."
3: "Aqoonta ficil la'aanta ahi, waa isla weyni."
4: "Bini aadamka oo dhammi way dhintaan, marka laga reebo kuwa aqoonta leh."
5: "Qofka jecel in Alle qalbiga u furo, xikmadna ku arsaaqo; cidladda ha badsado, cuntadana ha yaraysto, laba qolona yaanu raacin (dadka maan-gaabka ah iyo culimada kuwa aan anshaxa iyo caddaaladda lahayn)."
6: "Ruux kasta oo aan siiyay qaddarin aanu mutaysan, waxa uu qaddarintaydii lumiyay in le'eg intii aan ku korddhiyay maamuuskiisa."
7: "Haddii aad aniga si gooni ah iigu nasteexayso, waad ii naseexeysay; haddii aad se dadka hortooda iigu naseexeyso, Waad i fadeexadaysay."
8: "Khaladka iska nac, balse ha nicin qofka sameeyay."
9: "Ninka u maleynaya in uu ka nabad galayo dadka carrabkooda, Kaasi Waa waalan yahay.
Ilaahay ayay dhaheen, labo Ilaah ayuu saddex ku yahay(Subxanallah).
Nabigaayay dhaheen, waa nin waalan, sixiroole. Marka ma umalaynaysaa inaad adigu ka nabadgeleyso. Cidna ha u joojine, Waddada Alle hayso."
10: "Ilaah baan ku dhaartee haddii biyaha qabow wax yar udhimayaan shakhsiyadeyda, waan iska deyn lahaa iyaga dhan, oo biyaha kulul ayaan isaga kaaftoomi lahaa."
11: "Qofkii dadka hadalladoodda kuu keena, hadhow buu adna hadal kaa qaadaa; qofkii dadka kugu ag xanta, hadhoow buu adoo maqan ku xantaa; qofkii marka aad raalli galisid kugu sheega wax aadan ahayn, hadduu hadhoow kaa xanaaqo wuxu kugu sheegi wax aadan ahayn."
12: "Xaqiiqdii dad ayaa geeriyoday oo adduunyada ka tagay, laakiin waxa nool Sharaftoodii oo weli magacoodii ayaa lahayaa, misana waa loo duceeyaa oo la ixtiraamaa iyagoo dhinty! Dadna wey nool yihiin oo weli ma dhimannin, laakiin dadka dhexdooda ayey ka dhinteen iyagoo nool!"
13: Ma jirto murug joogto ah, mana jirto farxad joogto ah; bellaayo dushaada ma ahaanin iyo Barwaaqoba; h︎addii aad tahay mid u saaxiiba qalbi qanaaca leh, adiga iyo midka adduunka hantiyay(taajirka) waxaa tihiin isku mid."
14: "Imaamu Shaaficiyoow! 'Noo sheeg( Shay Waajib ah oo lagasii waajibsan yahay, iyo shay cajiib ah oo lagasii cajiibsan yahay, iyo shay dhib ahoo lagasii dhib badanyahay, iyo Shay dhaw oo lagasii dhawaan badan yahay.'
Waxa uu dhahay: 'Dadka waxa waajib ku ah iney towbad keenan, waxaase ka sii waajibsan in Dunuubta laga dheeraado.
•Xilliga is badbaddalkiisa waa cajiib, laakiin mooganaanta dadka ayaa kasii cajiibsan.
•Marka masiibo kugu dhacdo samirku waa adag yahay, waxaase ka sii adag marka uu ajarkii ku dhaafo.
•Wax kasta oo aad ku haminnayso wey dhaw yihiin, laakiin dhimashada ayaa waxaas oo dhan ka dhaw."
15: Haddii uu doqon uu hadlo, ha u Jawaabin; jawaabtiisa waxa ka khayr badan aamusitaan.
Doqon aan ka aamusay oo i caayey, Waxa uu ii maleeyey anigu in aan jawaabtiisa waayey, mana waayin; hasa yeeshe waxa aan xirtey maradda dulqaadka, waxanna ka fogaadey doqonnimo inta aan noolahy."
Xikmaddee adiga sida gaar ah ku soo jiidatay?


Fadlan Walaal, adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Qallinkii: Maxamed Deeq Darajo
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...