Soonka iyo Sayniska. Qaybta 3aad.. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.
Waa barnaamij taxane oo aan idin lawadaagi doonk bishan barakaysan.
Taxanaheenna saddexaad waxa uu ka hadlayaa "Saamaynta wanaagsan ee
Soonku ku leeyahay werwerka iyo deganaansho la'aanta".
Diinteenu waxay si' hagar la'aana innoogu soo tebisay habdhaqanka
wanaagsan ee bishan barkaysani innagu soo kordhinayso maalmaha kooban ee
la af-xidhanyahay, Jidh ahaan, caqli ahaan, feker ahaan, iyo dhaqan
ahaan ba. Si' loo ogaado xidhiidhka ka dhexeeya xanuunadan iyo
Soonqaadka waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa cilmibaadhis kooban oo
gaaladu ku ogaatay in Soonqaadku daawo ka yahay xanuunada maskaxda ayna u
maare waayeen. Sida werwerka, maaxduunka, iyo degaansho la'aanta.
Dhammaantoodna waa xanuuno kale badh dadka aduunka saamayn xun ku leh.
Xanuunkani waxa uu sababaa in kale badh dadka adduunku isku dilaan.
Haddab,
si loo ogaado heerka saamayneed ee Soonqaadku ku leeayahay xanuunada
is-ku-buuqa, werwerka iyo degaansho la'aanta, waxaa la sameeyey cilmi
baadhsi heerkeedu sarreeyo lana adeegsanayo qalabka cabbira heerka
is-ku-buuqa ee qofka. Waxaa xoogga la saaray arday muslimiin ah oo
dhiganaysay machad caafimaad, Little Flower Institute Medical science
and research. Markii la eegay in ay hore u soomi jireen waxaa laga soo
qaatay 20 qof oo caafimaad qaba. Si' loo caddeeyo heerka is-ku-buuqa
werwerka, iyo deganaansho la'aanta waxaa loo adeegsaday qalabka intaas
ba cabbira ( DASS 42). Natiijadii ka soo baxday waxay noqotay sidatan;
heerka is-ku-buuqa, werwerka iyo deganaansho la'aantu hoos ayuu u dhacay
dhammaan ardaydan markii ay soomeen 28 cisho oo bisha Soonqaad ah,
marka la barbardhigo heerkii uu markii hore taagnaa. Cilmi baadhsitu
waxay ku soo gebogebaysay in ay ogaatay xidhiidhka wanaagsan ee ka
dhexeeya Soonqaadka iyo werwerka. Qofku marka uu soomanyahay waxaa ka
yaraada dhammaan waxyaabaha sababa werwerka iyo kacsanaanta dareenkiisa.
Waxa uu qofku galaa xaalad deganaansho. Dhaqan maalmeedkiisuna waxa uu
isu beddelaa mid habaysan oo leh qaabqurxoon kana fogayn kara waxkasta
oo ku keenaya werwer. Sidaa daraadeed, warbixintani waxay inagu
boorrinaysaa in bisha barakaysan oo la soomaa ay keenayso degaanshiyo,
raaxo iyo nolol qurxoon. Hasayeeshee diinteenna ayaa intaas iyo in ka
badanba inoo fasirtay.
Fekerka aqoonyahanka
Sadam Osman Kaabash
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...