Kulmiye Oo Cadeeyey Musharixiinta Ugu Tartamaya Shirgudoonka Iyo Kulamo Ku Dul Fashilmay Muuse Biixi

0
Tuesday July 13, 2021 - 19:21:43 in News by
  • Visits: 2244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye Oo Cadeeyey Musharixiinta Ugu Tartamaya Shirgudoonka Iyo Kulamo Ku Dul Fashilmay Muuse Biixi

    Kulmiye Oo Cadeeyey Musharixiinta Ugu Tartamaya Shirgudoonka Iyo Kulamo Ku Dul Fashilmay Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulmiye Oo Cadeeyey Musharixiinta Ugu Tartamaya Shirgudoonka Iyo Kulamo Ku Dul Fashilmay Muuse Biixi
Hargeysa(HWN):-iyadoo weli uu socdo loolanka adag ee loogu jiro hanashada shirgudoonka golaha wakilada ayaa waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in xisbiga talada haya ee Kulmiye dhankiisa diyaariyay xubnihii loolan kaasi ku matali lahaa.





Musharraxa gudoomiyaha ayaa loo diyaariyay Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Musharraxa ku xigeenka koobaad Siciid Mire Faarax ( Giire ), musharraxa ku xigeenka labaad ee golaha Cabdinaasir Yusuf Cusmaan (Qodax), Labada ku xigeenba waxay kasoo baxeen xisbiga Ucid .

Waxaa sidoo kale jira kulan 24 saacadood ee ugu dambeeyay ay wada yeesheen madaxweynaha , hogaanka xisbiga Kulmiye , siyaasiyinta xisbiga iyo xukuumada ku jira ee gobolka Awdal kasoo jeeda qaarkood iyo 5 mudane ee golaha wakilada gobolka Awdal ugasoo baxay xisbiga Kulmiye kaas oo u badnaa is qancin la xidhiidha xubnaha qaarkood oo damac kaga jiray shirgudoonka waxaana kulanka wararka aanu heleynaa tibaaxayaan inuu kusoo dhamaaday is-afgarad , walow xildhibaanadu dhankooda tashi danbe isugu noqonayaan gaar .

Majiro ilaa hadda war rasmiya oo kasoo baxay dhanka xukuumada iyo xisbiga Kulmiye marka laga imaado xoga sida gaarka noosoo gaadhay.
Xisbiyada mucaaradka ayaa yaguna dhankoda hore u shaaciyay loolankaas cida u matalaysa .

Loading...
Loading...