Ciiddanka Booliiska Somaliland oo qabtay Maandooriye si la yaable Hargeysa loo soo galiyay

0
Tuesday July 13, 2021 - 19:21:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciiddanka Booliiska Somaliland oo qabtay Maandooriye si la yaable Hargeysa loo soo galiyay

    Ciiddanka Booliiska Somaliland oo qabtay Maandooriye si la yaable Hargeysa loo soo galiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciiddanka Booliiska Somaliland oo qabtay Maandooriye si la yaable Hargeysa loo soo galiyay


Hargeisa(HWN):-Ciiddanka Booliska Somaliland ayaa ku guulaystay inay qabtaan Khamri lagu soo qariyay Baabuur Jaad siday.


Keesas Khamri ah ayaa lagu soo dhex qariyay Jawaannada jaadka, waxaanna korka laga saarray Jaad si loo moodo in gaadhigu uu Jaad kaliya siddo.


"Jawaannada aad arkaysaan Jaad kuma jiro ee waa Khamri. Baabuurtii Jaadka ayaa Khamri lagu soo gurayaa, dushanna Jaad baa lagaga soo gurayaa. Ayuu yidhi Taliyaha guud ee Ciiddanka Booliska Somaliland Mr. Dabagale.

Taliyaha ayaa sheegay in Askartii khamriga qabatay laysku dayay in la laaluusho, balse ay iska diideen.

"Gabadhii khamriga lahayd $3000 ayay u soo dhiibtay laba Inan oo ay tidhi labadii askari ee qabtay siiya. Xataa hadday lacagta ku qanci waayeen gaadhiga in lagu wareejiyo oo nootaayo loo saxeexo ayay u soo gaadhay.

"Nasiib-wanaag Askartii Lacagtii intay ka qaadeen ayay labadii Nin qabteen, Lacagtii, khamrigi, gaadhigi iyo labadii Nin-ba iyagoo wada ayay noo keeneen" Ayuu yidhi Dabagale

Dadka ka ganacsada maandooriyaha, ayaa isticmaala tabo kala duwan oo ay khamriga iyo xashiishada ku soo galiyaan Somaliland.

Loading...
Loading...