Faallo:-Madaxtooyada Oo Isu-beddeshay Saylad Lagu Kala Iibinnaayo Xildhibaannada cusub

0
Tuesday July 13, 2021 - 18:57:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Madaxtooyada Oo Isu-beddeshay Saylad Lagu Kala Iibinnaayo Xildhibaannada cusub

    Hargeisa(HWN):-Madaxtooyadda Somaliland ayaa maalmihii iyo habeennadii ugu danbeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Madaxtooyadda Somaliland ayaa maalmihii iyo habeennadii ugu danbeeyay


Hargeisa(HWN):-Madaxtooyadda Somaliland ayaa maalmihii iyo habeennadii ugu danbeeyay ahayd mid mashquul badan, isla markaanna laga darreemaayo Dhaq-dhaqaaq xooggan oo aan hore loogu arag, taasoo la xidhiidha arrimaha Doorashadda Shirguddoonka golaha Wakiillada.



Waxa qasriga Madaxtooyadda Somaliland laga darreemaayay mashquul iyo guux siyaasaddeed, kaasoo aan ahayn Shaqadii caadiga ahayd ee Madaxtooyaddu qaban jirtay, hase-yeeshee Mashquulkaasi waxa uu daarran yahay Qorshaha uu Xisbiga talada haya ee KULMIYE uu ku doonnaayo inuu ku hanto jagadda Guddoomiyaha golaha Wakiillada, isagoo Muuse Biixi kolkii u horraysay uu heensaha u saarray Faraskii ciyaarta doorashadda Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiillada ee Somaliland.
Muuse biixi mantuu ciindaaqay.

Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin Xilal ka haya Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, ayaa buux dhaafiyey Madaxtooyadda Somaliland, kuwaasoo ah qaar u shaqaynaaya madaxtooyadda oo Dillaaliin ah, isla markaanna loo diray inay soo qab-qabtaan oo soo Xerro-geliyaan, iyagoo u sheegaaya Xilal, Xoolo iyo Mashaariic waa wayn oo la siinnaayo Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, isla markaana ka soo jeedda beelaha ay Xisbiyaddaasi hoggaamiya si Xisbiga KULMIYE uu ugu buuxsamo Koorramka uu raaddinaayo ee golaha Wakiillada Somaliland.

Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin caan ah, ayaa ka mid ah kooxo Dilaalnimo u xuub siibtay,kuwaasoo heshiis-yo indho sarcaad ah oo ah qaar ay Xukuumadda KULMIYE awrkeeda ku kacsanayso la gelaaya Xildhibaannada qorshahooda iyo qarashkooda qaata ee ka soo baxay Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland.

Geesta kale, Kooxahan ayaa qarkood ay is muujiyeen, kuwaas Warbaahinta ka soo muuqday, isla markaana la tuhunsan yahay inay Xilal iyo Xoolaba ay qaarkood kaga xod-xodanayaan Muuse Biixi, waxaanna xusid mudan in Sawiro ay la galeen Xildhibaano ka soo baxay UCID iyo WADDANI oo loo baahiyey siyaabo kale duwan.

Sidoo kalenna, Siyaasiyiintan iyo Madax-dhaqameedkan Dilaaliinta ah, ayaa la arkaayey Xildhibaano ay la kulan-siinayaan Muuse Biixi, kuwaasoo uu kulan la yeeshay Muuse Biixiga madaxtooyadda fadhiya, waxa ay xogaha laga helay sheegeen in Xildhibaanada uu danaha ka leeyahay qaarna muraadkooda oo sarifan loo dhiibay,badhna ku samir-siiyay balaan-qaad iskugu jiraa Xilal, Daaro iyo Mashaariic Mustaqbalka ku xidhan.

"Madaxweynihi qaranka ee qorshayaal horumarineed iyo hoggaamin umaddeed looga fadhiyey, waxa ay aragtidiisi siyaasaddeed ku soo ururtay in habeenba saqda dhexe uu Sawir la soo galo nin dhallinyaro ah oo Xisbi mucaarad ka soo baxay.” Ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga WADDANI.

Si kastaba ha-ahaatee, Madaxtooyadda Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambaysay laga darreemaayey mashquul aad u badan,iyadoo ay soo buux-dhaafiyeen Dilaaliin, Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin iskugu jira,kuwaasoo adeegayaal u ah Madaxtooyadda,isla markaana kala Shaqaynaaya sidii ay u soo xero-gelin lahaayeen Xildhibaano kooramka u buuxiya Xukuumadda KULMIYE.

Loading...
Loading...