Ex. Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Loollanka Shirguddoonka Iyo Booqashaddii Ahmed Siilaanyo
Ex. Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Loollanka Shirguddoonka Iyo Booqashaddii Ahmed Siilaanyo
Hargeisa(HWN):-Ex. Xildhibaan Ahmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa Xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay inay wax ka qabato Maceeshadda qaaliyowday, waxaannu sheegay inaanay waxba ku noolayn Shacabkii jilicsannaa ee reer Somaliland.
Ex. Xildhibaan Nacnac waxa kale, oo uu ka hadlay loollanka loogu jiro Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland, isagoo iftiimiyay cidda uu la jecel yahay inay noqotay oo Kursigaas ku guulaysato.
"Waa runtaa Xalay waxa i soo booqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Ahmed Siilaanyo, oo aannu leennahay Saaxiibtinnimo dheer oo gaamurtay, markaa beryahaas oo aan Xanuun Isha ah guriga u joogay ayuu i waayay, kolkaasuu booqasho iigu yimid Xalay Madaxweynihii hore iyo Qoyskiisu, waanan uga mahad-celinayaa Booqashadda iyo Siyaarrada ay iigu yimaaddeen.
Dawladda barakaysan waxaannu leenahay maceeshii way kacday oo dadkii jilicsannaa waxba kuma nooll, markaa dawladda waxaan leeyahay waa inaad raadisaan sababaha keennay inay Maceeshu kacdo.
Loollanka Shirguddoonku waxa uu u dhaxeeya labaddaas Nin ee reer Laascaannood ee ka soo kala jeedda Xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE Cabdirisaaq Khaliif Ahmed iyo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, markaa waxaan leeyahay tartankaasi ha noqdo mid wanaagsan oo Xalaal ah oo Walaalnimo.
Anigu Shirguddoonka waxaan la jecelahay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed, waanna wax uu xaq u leeyahay oo Aqlabiyaddii mucaaridka ayuu haystaa, laakiin Ninkan kale ee Yaasiin Faratoon waa nin wayn oo booskaas waa lagaga habboon yahay maanta." Ayuu yidhi Ex. Xildhibaan Ahmed Maxamed Diiriye (Nacnac).
Loading...
Loading...