Loolanka Loogu Jiro Shirgudoonka Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Iyo Xildhibaano Mucaaridka Ka Goostay Oo Madaxtooyada Ka Hilaacay

0
Tuesday July 13, 2021 - 16:27:15 in News by
  • Visits: 2812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolanka Loogu Jiro Shirgudoonka Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Iyo Xildhibaano Mucaaridka Ka Goostay Oo Madaxtooyada Ka Hilaacay

    Loolanka Loogu Jiro Shirgudoonka Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Iyo Xildhibaano Mucaaridka Ka Goostay Oo Madaxtooyada Ka Hilaacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Loolanka Loogu Jiro Shirgudoonka Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Iyo Xildhibaano Mucaaridka Ka Goostay Oo Madaxtooyada Ka Hilaacay

Hargeysa(HWN):-Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Loolannka loogu jiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada lasoo doortay ayaa sheegaya in Dadaalka ay Xukuumadda iyo Kulmiye ugu jiraan inay xubno ka soo fujistaan Mucaaridka, maadaama oo doorashadii lagaga awood batay ay marayso meel xasaasi ah oo aan indhaha la kala qarsanayn si muuqatana xildhibaannada qaarkood sawirro Madaxtooyadu kula gashay.




In kasta oo ay adag tahay sida war rasmi ah looga helo arrintani , maadaama oo Suuqyo madaw wax lagu kala goosanayo oo lagu kulmayo haddana warar lagu kalsoonaan karo oo illo wareedyo muhiim ah oo Wargeyska Foore ka helay ayaa sheegaya in Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan illaa 9- Xubnood oo Golaha Wakiilada Cusub ka tirsan kuwaasi oo mucaaridka uga soo baxay Gobolada Galbeedka Somaliland oo ay Hargeysi kujirto, kuwaasi oo tirada Xildhibaanada Kulmiye haysto ka dhigaysa 40 Xildhibaan.

Xubno miisaan ku leh Xisbiyada Mucaaridka oo magacooda qariyay oo ka niyad jabsan hannaanka wax u socdaan islamarkaana ka walaacsan inay wax iska baddelaan qorshihii is bahaysiga mucaaridka ayaa noo xaqiijiyay inay dareen mugleh ka qabaan oo aad looga shakisan yahay Xildhibaano illaa saddex tiradoodu tahay oo Xisbiyada WADDANI iyo UCID ugasoo baxay Gobolka Awdal islamarkaana kasoo jeeda Degmada DILA ee Gobolkaasi inay gacanta u galeen Xukuumadda, halka Xildhibaan kale oo isna Gobolkaasi uun kasoo baxay, gaar ahaan Degmada Xariirad in isna loo tirinayo innuu ka mid yahay Xildhibaannada Dhinaca Muxaafidka u janjeedhsaday.

Sidoo kale wararkan ayaa sheegaya in Tiro gaadhaysa illaa shan Xildhibaan oo kasoo kala jeeda Degmada Sallaxlay ama Maxamuud Haybe, Degmada 31-May iyo Bariga Magaalada Hargeysa , gaar ahaan New Hargeysa ay iyaguna si rasmi ah ugu janjeedhsadeen Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda arrintaasi oo walaac gaar ah ku abuurtay Xisbiyada Mucaaridka islamarkaana abuurtay, Markii ay ogaadeen, inay Xildhibaano door ahi Baraha Bulshada ku baahiyaan hadallo dhiilo leh oo ay uga dardaar warinayaan rag filkood ahaa oo mabda’oodii siyaasiga ahaa badelay islamarkaana aduunyo waydaarsaday sida ay hadalka u dhigayeen.

Qaar ka mid ah ayaa waxa si toos ah loogu geeyay Madaxweyne Biixi iyadoo loo adeegsaday Odayaasha ama siyaasiyiinta beesha ay kasoo jeedaan, waxaana talaabooyinkani ka mid yihiin dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto inay Hogaanka ama Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cusub ugu cumaado Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon.


Loading...
Loading...