Sayladihii Isasoo Xidhe, Sooryiyo Salaan Ma Leh , Somalilaan Iskagasoco, Kaana Sugi Karaynoow
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-SAMATAR IYO GALAYDHOOW,SAFARKIINI DHEERAA,
SIRO WIXII KU DUUGNAA,SAXAAFADAA NA SIISAYE,
SOCDAALKII DHAMAYSE,SOMALILAN MA BARATEEN,
SIXIR BARARKA JOOGIYO,SUUQYADA MA ARAGTEEN.
2-MUDAA LAYDIN SUGAYEE,SIDA LOOGA BAXAYIYO,
SALAKA MAW DHIGTEENO,TALO SUGAN MA SIISEN,
XUKUMADA SAMAYSEN,SAAKANA AYDIN DIIDEEN,
SALAANKA IDINLA SIIBTO,SIDAA LAMA AMAANAYN.
3-SIYAASADAYDUN WADATEEN,SUUROOBI WEYDAYOO,
TANINA WAA SIDII XAMAR,SUUQ MA LEH JABUUTINA,
SOMALI WAXA HADHAY,SOONAHAAS SHANAADUUN,
AXMED SAMATAR JOOGO,ISAGUNA WAYDIN SUGAYA.
4-SUUFIYO XANJA QARAN,DADKA LAGU SASABAYAYE
SIYAASAD DUUL KU SAAQIDA,KUMANBA SIDIINA AH,
SOMALIDA DHAMAANTEED,WAADSE UGU SARAYSAN,
SAYLADIHII ISASOO XIDHE,SOORYIYO SALAAN MA LEH
SOMALILAAN ISKAGA SOCO,KAANA SUGI KARAYNOOW.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!