Uma Baahni Wakiilo Ee Anigaa Isku Filan ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday July 13, 2021 - 13:15:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Uma Baahni Wakiilo Ee Anigaa Isku Filan ( Abdi-Shotaly).

    N.B Siyaasadda Askarigu Waa Saambuuse Laga Adimay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Siyaasadda Askarigu Waa Saambuuse Laga Adimay!

Marka hore waxan halkan ka salaamayaa dhamaan " Xildhi-baanadda ay soo doorteen Ummadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaana kuwa Is-bahaysiga Xusbi-yadda Mucaaridka ah" oo sutidda u qabtay dhaameelkii loo qubi jirey kuwiihore ee nafaqo doonka ahaa, ee halkii ay u shaqayn lahaayeen qaranka ka doortay, wax sacabka loo saaro. kuwaas oo meel ku tiiryey in ay u sare kacaan soo noolaynta qaranimaddii uu ku tuntay, ninka fadhiya ama ku amar-ku-taagleeya " Xaafad-tooyada'e", Iyo dib u habayna ay ku samayeen distoorka Somaliland, kaas oo uu iska waalaaqan jirey maamulka uu hor kacaayo, askariga dhego-barjaysani ee la yidhaaho"Raggii ma adiga ka haday" Iyo inta uu faraha guud-koodda wax ku siiyo ee u soo dilaala beelaha. Waad la soctaan in bishan todoba-deeddii (07/07/2021) ay maxakamadu ansixisay, lagana joogo bil iyo dheeraad markii ugu dambaysay ee ku dhawaaqiddii xildhi-baanadda ka soo baxay Gobolka Maroodi-Jeex, kuwa kalena ay kaba sii horeeyeen ugu yaraan laba todobaad, iyaka oo ay cadeeyeen Xildhi-baanadda ku guulaystay Golaha wakiiladdda. Sidaas oo ay tahay, waxa aad is waydiin kartaa su'aasha ah, maxaa ka hor taagan in uu " Raggii ma adigaa ka hadhay" Isugu yeedho, la dhaariyo, oo ay door-taan Shir-gudoonkii Golaha iyo labaddii ku/xigeen? Si ay u gutaan waajib-koodda distooriga ah. jawaabta halkan hoose ka akhri muwaadin, waxa ay sidaas u dhacday.



Aduunkan aynu dul saara-nahay, lama arag, lamana maqal, horeyso iyo dambayso mid-na, dal ummadiisii wakiiladdii metli lahaa ay soo doorteen, oo wixii ay doorashadda u galeen in ay fuliyaan, misana aan la haynin, weliba maxakamadi ansixisay, oo mudo bil iyo badh ah loo diidan yahay in ay hawshooddii gudo galaan. Waxa hadaba siddas ka dhigay waa ninka kursiga boobay iyo been-ma-sheegayaasha u wasirro ku sheego, oo aan hadal ku soo celin karin, odhan karina waxaasi waa khalad, ee ka daa, ilayn markii hore-ba waa wuxuu ku soo xushaye. Wuxu askarigu af-buuxa ku yidhi "Uma Baahni Wakiillo ee anigay isku filan" Ha iska maqna-deen buu yidh, mar hadaanan helynin tiro igu filan.Sababta oo ah, kuwii hore ee dhaameelka loo daadin jirey baa meesha ka baxay, kuwaas oo waxay yihiin ay ummadu gunta soo taabatay, ahaa wax-ba la'aan lagu khasaaray ( oo dhaameelkii loo daadi-naayey ku mamay), waxana yimi qaar aanu filayn, oo uu is lahaa kuwii hore bay la mid noqon doonaan, aad sidaad doonto ka yeeli jirtay. Nasiib darro-se af-weynta buu u dhacay, oo waa ku jiq. Akhristaw waxa xaqiiq ah, oo laga hayaa askariga " Doorasho-ba maan qabteen hadaan sii ogahay in ay sidan u dhacayso .


Caqli xumaan-tiisa imika buu gebgeb leeyahay, isku qooma-maynayaa maxaad u qabatay doorasho-ba, mana uu qab-teene, caalmaka baa sandule-af-goos kaga dhigay khasab ah "Calaf-Allaw Cajeb" Imika buu meel uu ka baxo la'yahay. Horaa loo yidhi " Dacawo halkay macal ku barato, bay macaluul ugu bakhti-daaye" Wixii uu filanaayey iyo waxa ka hor yimi baa aad u kala fogaaday, talaa faro ka haaday, masakax-dii yarayd ee ku jirtay-na way ka sii dartay, ilayn awel-ba meesha wax kuma uu hayne. kuwii kolba xildhi-baan reer-koodda ah isla soo sawiri jirey-na, iyana baxar-koodda baa kacay, oo seeftu dhulkay ka taalaa, waxay-na tirina-yaan ayaamaha u hadhsan, oo ay leeyihiin goormaa lagu eryi doonaa, ilayn cid keeni waya'e, kuwaas-na geeloodda baa cirka lagu maalayaa, oo daba ka werwer baa galay. hadda meel ay u digo rogtaan bay doon-doonayaan. Akhriste iska soo dhaaf 52ka ka soo baxay " Is-bahysiqa Mucaaridka" ee kuwii Qudhmiye laf-tiisa ka soo baxay baa ka yaacay, dhamaan Goboladda, gaar ahaan Awdal, Sool, Maroodi-Jeex Tog-dheer, Sanaag iyo Saaxil, ee saw wiish lama sare kicin. Run iyo been kaad doonto u qaado, ama ha is yidhaaho tallo xumaan-tiisii " kala xad baad wax ku helay-saaye" Ee iska hor keen, kala xod-xodo, laaluush wax ku doona, beel-beel hoose ula shir, kuwaas oo Siyaasiyan la mid ah "Saambuuse laga amaydi" sheeka-daasi way soo dhamaatay, ma jirto wado uu ka baxaa, mana rabo in la dhaariyo xildhi-baanadda, waayo Wuxu yidhi odhaah-ddii ahayd "Kitaab alle Dantay sheegi maayo" Aniga baa tayda wadanaaya, maxaan uga-ba baaha-nahay qaar iga hor imanaaya, oo sheegaaya khaladka iyo hanti-boobka aan ku kacaayo. Sidaas awgeed, ma jiro qiilka kale oo u furani, xaalku waa ila-merayso, welina ma cas-casa, malaha waxad la yaaban tihiin bil iyo laba'e ha filan xildhi-baano la dhaariyo.


* N.B Siyaasadda Askarigu Waa Saambuuse Laga Adimay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...