Hayaankayga Akhriska

0
Tuesday July 13, 2021 - 12:34:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Hayaankayga Akhriska

    Bilowga Akhriska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bilowga Akhriska



Waxaan bilaabay Akhriska iyo daalacashada xilli ay da'daydu aad u yarayd, waxaan aad u xiisayn jiray akhrinta sheekooyinka yaryar, iyo qisooyinka nabiyada, da' ahaan waxaan qiyaasayaa inaan 9 jir ahaa, balse waqtigii aan bilaabay dugsiga sare Akhriska wuxuu qayb ka noqday noloshayda iyo dhaqankayga, waxaan akhrin jiray buugaagta, wargeysyada, iyo wax kasta aan akhrin karo.
Buuggii ugu horeeyay ee aan akhriyay wuxuu ahaa 10 ka fure ee guusha oo Dr Ibrahim Alfiqi qoray, buuggaasi saamayn ballaaran ayuu ku reebay noloshayda, wuxuu ii furay albaabo badan oo iga xirnaa, wuxuu wax badan ka badalay hab-fikirkayga.
Noocyada buugaagta aan aadka u xiiseeyo waxaa kamid ah buugaagta Kobcinta garaadka oo kaa saacidaya inaad garato awoodaada jireed iyo mid caqliyeed intuba.
Sheekooyinka ayaa kaalin weyn kulahaa inaan macluumaad badan korodhsado, xilliyada firaaqada ayaan kaga faa'idaystaa inaan akhriyo sheekooyinka.
Caqabadihii aan la kulmay inta aan ku jiray akhriska waxaa kamid ah, in xilliyada qaar aan ka mashquulo akhriska, xilliyada imtixaanaadka oo kale, sidoo kale buugaag aan aad u daneeyo ayaan ka waayay deegaankayga, iyo qiimaha buugaagta lagaa siisto oo aad u sareeya xilliyada qaar.
????Samaynta Akhriska
Muddo aan badnayn oo aan ku jiray Akhriska waxaan dareemay saamayn ballaaran, waxaa isbadalay shakhsiyadayda, qaabka aan u fakaro, iyo inaan ka fiirsado go'aanada aan qaadanayo, waxaa ii hirgalay qaar kamid ah hadafyadayda, sidoo kale waxaan bartay kalsoonida nafeed.
????Dadka daneeya inay bilaabaan akhriska waxaan kula talin lahaa qodobadan:
▪Waa inaad naftaada ka dhaadhicisaa inaad akhriska caado ka dhigato.
▪Waa muhiim inaad garato luuqadda aad wax ku akhrin karto.
▪Noocyada buugaagta aad xiisaynayso waxay kaa saacidayaan inaad la qabsato akhriska.
▪Waqti cayiman wax akhri.
▪Inaad wax akhrido waxay ka dhigantahay inaad wax cusub baranayso.



W/Q: Abdurrahman Caqiil
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...