Mudo Intee Leeg Ayaanay Somaliland Lahayn Wasiir Arimo Dibadeed Ka Dib Iscasilaadii Faratoon?

0
Tuesday July 13, 2021 - 11:00:17 in News by
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudo Intee Leeg Ayaanay Somaliland Lahayn Wasiir Arimo Dibadeed Ka Dib Iscasilaadii Faratoon?

    Mudo Intee Leeg Ayaanay Somaliland Lahayn Wasiir Arimo Dibadeed Ka Dib Iscasilaadii Faratoon?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo Intee Leeg Ayaanay Somaliland Lahayn Wasiir Arimo Dibadeed Ka Dib Iscasilaadii Faratoon?


Mansabkii Wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa wali haawanaya oo bannaan kadib tan iyo markii Bishii March saddexdeedii uu Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon uu si rasmi ah isaga casilay xilka wasiirnimo isaga oo maalmahaasi ka hor u gudbiyey warqadda is casilaadda oo Madaxweyne Muuse Biixi markiiba ka aqbalay si uu Ex. Wasiir Yaasiin isugu diyaariyo doorashadii isku sidkanayd ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo uu u sharraxnaa Golaha Wakiillada, markii doorashadu qabsoontayna uu ku soo baxay.

faratoon hashtag on Twitter


Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaan wali soo buuxin booskan bannaanaaday ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka mid ah mansabyada ugu muhiimsan dawladnimada qaranka Somaliland iyada oo muddodaasi uu xilka wasaaradda ku-sime ka yahay Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaraddan. Waxaana muddoda uu rasmi ahaan isku casilay Wasiirkii hore durba ka soo wareegtay 4 Bilood iyo Shan Maalmood wakhtigaasi oo ah mid aad u badan marka loo eego muhiimadda Wasaaraddani qaranka u leedahay.


Inkasta dhaqdhaqaaqii siyaasadeed iyo diblomaasiyeed ee arrimaha dibadda Somaliland in muddo ah hoos u dhac weyni ka muuqay oo aanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo ku aaddan dadaalladii ictiraaf raadinta iyo kasbashada beesha caalamka ayaan la garanayn sababta muddoda intaasi le’eg Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u soo buuxin waayay xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaah Dibadda.


Muhiimadda Wasaaradda Arrimaha Dibeddu marka laga hadlayo qaran casri ah waa tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee xukuumaddu ku dhisan tahay iyada oo dawladda u qaabilsan jaan-goynta iyo habaynta xidhiidhka arrimaha dibeda, siyaasada dibedda, go’aanada dowladaha kale iyo metelidda dowladda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, wasaaradani waa hay’adda dawladda u qaabilsan ka qeyb galka la xidhiidhidda dhammaan shirarka iyo wada xaajoodyada dowladaha kale, ka qayb galka shirarka heer gobol, kuwo qaaradeed iyo kuwo guudba inkasta oo Somaliland wali tahay waddan aan la aqoonsan haddana waa wasaaradda looga baahan yahay laban laabka dadaallada iib-gaynta qaranka Somaliland.

Muxuu Dhigayay Barnaamij Siyaasadeedka KULMIYE?


Tiirka 5aad ee Bbarnaamij-siyaasadeedka Xisbiga KULMIYE ku galay doorashadii Madaxweynaha ee 2017 waxa uu ahaa Siyaasadda Arrimaha Dibedda, waxaanu KULMIYE wakhtigaasi ballan qaaday sidan: "Raadinta aqoonsi caalami ahi waa laf-dhabarta siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland . Xisbiga KULMIYE waxa uu mudnaan aad u wayn siinayaa gudashada waajibaadka Qarannimo helitaanka Aqoonsi Caalami ah. Haddaba, si loo helo aqoonsi caalami ah waxa la abuuri doonaa agaasin gaar ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo leh miisaaniyaddeeda, khubaradeeda iyo imkaaniyaadkeeda, taas oo shaqadeedu tahay ka midhadhalinta aqoonsigii Qaranka ee aynu aynu raadinayney muddada rubuc-qarniga ka badan”.


Isku soo wada duuboo waxa dad badani saluug weyn ka qabaan tayada iyo awoodda uu Madaxweynuhu saaray siyaasadda Arrimaha dibadda isaga oo inta badan awooddiisa isugu geeyey arrimaha Gudaha marka laga tago dhawr safar oo uu ku tagay dalal Afrika ah oo aan inta badan wax natiijo ah oo muuqata laga haynin. Waxa kale oo aan Iyana la ogayn muddoda uu Madaxweynuhu soo magacaabi doono Wasiir xilka wasaaradda dardar galiya.


Loading...
Loading...