Guusha Weyn Ee Abiy Ahmed Iyo Xisbigiisu Ka Gaadheen Doorashooyinkii Ethiopia Hogaaminta Laga Filayo

0
Tuesday July 13, 2021 - 09:52:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guusha Weyn Ee Abiy Ahmed Iyo Xisbigiisu Ka Gaadheen Doorashooyinkii Ethiopia Hogaaminta Laga Filayo

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama
Doorashadii Ethiopia ka dhacday 16-June-2021 oo isugu jirtay doorashada golaha wakiilada dawladada federalka Ethiopia iyo doorasho goboleed waxa ay ahayd doorasho dhawr goor oo hore dib u soo dhacday , waana halkii uu ka bilaabmay dagaalkii Tigray iyo dawlada Ethiopia.



Natiijadii hordhaca ahayd ee doorashadaasi ayaa waxaa aqlabiyad ku hogaaminaya xisbiga PP ee uu sameystay raisal wasaare Abiy Ahmed oo helay 410 ka mid 436 kursi oo lagu tartamay.


Doorashadu waxa aanay ka dhicin 3 gobol oo ka mid ah 10 gobol ee Ethiopia oo kala ah Tigray, Hereri iyo Somalida oo labada dambe laga qaban doono bisha September iyada oo xiligani ay suuragali wayday sababo badan awgood.


Doorashadii ugu dambaysay ee dalkaasi Ethiopia waxa ay dhacday sanadkii 2015 oo 547 kursi oo lagu tartamay uu helay aqlabiyada isbahaysigii EPRDF oo helay 500 kursi , waxaana galay xisbiyo badan oo qaarkood yihiin xisbi goboleedyo xiligaasi.


HOGAAMINTA ABIY AHMED EE SADEXDII SANADOOD EE HORE IYO SAAMEYNTIISII

Raisal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed waxa uu dalka Ethiopia qabsaday sanadkii 2018kii isaga oo ku yimid kacdoonkii qoomiyada Oromada oo uu ka soo jeedo , ka dib markii dhawr goor xal uu sameeyey raisal wasaarihii ka horeeyey Haila Mariam Desalem ay waxba ku hagaagi waayeen.


Waxa uu mudo kooban magaciisu ku qabsaday aduunka oo dhan , waxaana uu u muuqday hogaamiye diyaar ahaa oo fursad uun sugayey marka aad eegto talaabooyinkii iyo qorsheyaashii degdega uu u fuliyey iyo libintii qof ahaan iyo qaran ahaanba uu soo hooyey xiligaasi.


Waa hogaamiye aragti dheer laakiin ay u dhuunteen suryoyooyin adag oo uu sibiq ku galay oo mar qudha wanaagii uu waday iyo kobocii siyaasadeed iyo maskaxdii furnayd ee uu la yimid hoos u riday , waxaana uu dagaal qaldan ku qaaday gobolka Tigray , sababta aan u leeyahay dagaal qaldan hadii dagaalku si kasta oo aad sharci u adeegsato uu yahay mid aan morally sax aheyn isla markaana khasaarihii ciidankii la weeraray ku dhacay iyo ka ay geysteen uu noqday wax aan isku dhaweyn waxa uu ahaa talaabo qaldan .


Waxa laga yaabaa in ay qorshaha ugu jirtay in Tigray xayndaabka siyaasada Ethiopia iyo ta gobolkaba laga saaro marka aad aragto sida la isugu kaashaday ee ilaa Erateria la isugu tagey iyada oo laga daba socdo raadadkii hogaamintii 27sanadood ee EPRDF oo ay hogaaminayaan TPLF , oo uu Abiy ahmed iyo in badan oo ka mid ahiba ay nidaamkaa ka mid ahaayeen.


HOGAAMINTA ABIY AHMED EE SHANTA SANADOOD EE SOO SOCOTA IYO REJADA

Abiy ahmed maadaama oo uu guulaystay xisbigiisii waxa la filayaa in uu noqdo raisal wasaaraha shanta sano ee soo socota hogaamin doona dalka Ethiopia oo xiligani ku jira xaalado kala duwan oo dhinac marka laga eego rajo horumar iyo mustaqbal leh , dhinaca kale marka aad ka istaagtana werwer ku gelaayo in dalkaasi bur-bur qarka u saaran yahay .


Ethiopia waxa ku nool qoomiyado badan oo kala wada duwan oo wada leh dalka Ethiopia , waxa soo kala dhex galay khilaafyo badan oo waxa dib loogu noqday qoomiyadihii halkii awal ay xooga ahayd qaranimada Ethiopia in ay wax walba ka horeyso , waa halka keenaysa in bulshadii ku dhaqnayd dalkaasi kala faquuqmaan.


Abiy Ahmed waxa laga sugayaa hogaamin iskuwadid dadka Ethiopia , hawsha ugu badani hada waxa ay u taalaa Ethiopia gudaheega , oo ay ka jiraan xaalado badani oo u baahan dawayn iyo bogsiin waxii xumaaday ah , hadii aynu gaar u dul istaagno waxa ugu waaweyn ee u yaalla ;


1- Adkaynta midnimada Ethiopia iyo isku haynta dadkiisa iyada oo aan loo kala eegayn midab isir diin iyo gobol midna si loo helo umad wada socota oo meel u wada jeeda.


2- Heshiis dhab ah oo uu la gaadho Tigray iyo TPLF oo aan meelna ku kala hadhayn si ay uga soo afjaranto xaalada colaadeed ee gaadhay meesha xun oo dib la isugu laab xaadho waxna loo wada yeelan karo.


3- Tusida dadka iyo dalka Ethiopia hogaamin haysata hilinka toosan oo sigib tiran si qofwaliba u aamino in uu xaqiisa ka heli karo wadadaa wanaagsan .


4- Xal u helida xaalada biyo xidheenka ethiopia oo ka dejinaysa culeys badan oo siyaasadeed oo dalkaasi dibada kaga socda .


5- Qorshahiisa siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa oo noqda mid u danaynaya guud ahaan dadka gobolka geeska Africa maadaama dawlada Ethiopia ay tahay dalka ugu weyn xaga fac tirsiga dawladnimada iyo awoodaba dawladaha hadda ka jira .

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Image

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...