Doqon Lagu Shaqaystaa Anaga Nooma Duurxulayo, Dabar iyo Hogaanbaan Ku Xidhan Laba Gardaaqlaaye
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
DAD ISNACO DAGAALU DHEXMARAY,GAADHAY DABARGOYA,
DAD IYO DUUNYO LAGU WAAYAYOO,LAGUNA DADUUMAY,
DIYAARADO LOO ADEEGSADAY,IYO DABAABAADBA,
DADKII BIXIYAYE IIBSADAYBA,LAGU DUQAYNAAYEY,
DIB MIYAY U SOO NOQON,NAFLAHI LAGU DUGADHEYEY,
DERISNIMADII WAY DHIMATAYOO,LAYSKU DAGIMAAYO,
DOQONIYO NIN LIITAAN OGAYN,DAANADIYO QOONTA,
DIBU CELINTA TAARIIKHDA,WAA NAGU DAMQAYSANE,
DAMACAYGI SIDAN DOONAYIYO,LABA DARYAANLEEYE,
DOORASHADAYDA DOORKANI DHACDAN,AAD U DIIRSADAY,
DACARIYO SUNBAY QQAR U TAHAY,DIIDAYOO NACAYEY,
DABARIYO HOGAAN BAAN KU XIDHAN,LABA GARDAAQDIYE,
DOQON LAGU SHAQAYSTAA,ANAGA NOOMA DUURXULAYO,
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!