Biriq (Danab) Dishay 16 Qof Oo Sawiro Iska Qaadayay

0
Tuesday July 13, 2021 - 09:02:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biriq (Danab) Dishay 16 Qof Oo Sawiro Iska Qaadayay

    "Jacda ayaa ilaa 2,000 oo qof oo dalkaasi u dhashay disha sanad walba."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jacda ayaa ilaa 2,000 oo qof oo dalkaasi u dhashay disha sanad walba."
Jac ama biriq (Danab) ayaa Axaddii ugu yaraan 16 qof ku dishay dhowr kalena ku dhaawacday magaalada Jaipur ee waqooyiga Hindiya ku taalla.


Dhibbanayaasha ayaa xilli uu rob da'ayay sawirro isaga qaadayay daar dheer korkeeda oo ka tirsan 12th Century Amer Fort oo ah goob caan ku ah dalxiiska.



Dhowr qof ayay sidoo kale biriq ku dishay gobollada Uttar Pradesh iyo Madhya Pradesh.


Jacda ayaa ilaa 2,000 oo qof oo dalkaasi u dhashay disha sanad walba.


Sarkaal sare oo booliis ah ayaa warbaahinta u sheegay in inta badan dadka dhintay ay ahaayeen dad dhalinyaro ah.


Ilaa 27 qof ayaa saarnaa fooqa dheer ee daartaasi, halka qaarkood ay dhulka ku soo boodeen, marka ay arrintaasi dhacaysay.


Axaddii keliya, sagaal qof oo kale ayay biriqdu ku dishay gobolka Rajasthan oo ay Jaipur ka tirsan tahay.


Ugu yaraan 41 people qof - oo badankood ay haween iyo carruur ahaayeen - ayaa ku dhintay gobolka Uttar Pradesh.


Khasaaraha dhimasho ee ugu badan waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Allahabad oo ay 14 qof ku dhinteen.


Labo nin, oo ku harsanayay geed hoostiisa, ayaa isla goobta ku dhintay kaddib markii ay biriq ku haleeshay magaalada Firozabad.


Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay gobolka Madhya Pradesh. Khubarrada ayaa sheegay in khasaaraha hdimashada ay ku badan tahay labada gobol, iyadoo sababtuna ay tahay in dad aad u badan ay u shaqo tagaan beeraha iyo dhismaha.


Guddoomiyeyaasha gobollada Uttar Pradesh iyo Rajasthan iyo Ra'iisul Wasaaraha Hindiha Narendra Modi ayaa sheegay in magdhow la siin doono qoysaska ay dadku ka dhinteen.
Xilligan waxaa Hindiya ka da'a roob xooggan oo socda June ilaa September.


Waaxda saadaasha hawada ee Hindiya ayaa sheegtay in dhimashada ka dhalata biriqda ee dalkaasi ay labo jibbaarantay tan iyo sanadihii 1960-meeyadii - waxayna u sababeeyeen isbeddelka cimilada.



Gal gudaha dhisme weyn amaba gaari dhexdiisa

Ka soo tag meelaha bannaan


Haddii aadan heysan meel aad gasho, isku day inaad is ururiso intii karaankaaga ah adiga oo cagaha isku dhejinaya, gacmaha jilbaha saaranaya oo madaxana hoos gashanaya

Ha hoos fadhiisan geedaha dhaadheer amaba geel keligiis meel ku yaal


Haddii aad badda ku jirto, xeebta imow si dhaqsi ahna uga tag meesha


BBC
Loading...
Loading...