Sidee Ku Ogaan Kartaa In Telefoonkaaga La Jabsaday?

0
Tuesday July 13, 2021 - 08:52:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ku Ogaan Kartaa In Telefoonkaaga La Jabsaday?

    "Haddii aad farriin ka hesho qof aadan aqoon, ka furin ama ha la degin lifaaqa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii aad farriin ka hesho qof aadan aqoon, ka furin ama ha la degin lifaaqa"
Telefoonkaagu dabka ma uga dhamaadaa si degdeg ah? Xirmooyinka internet-kaaga se si dhaqsaha ma u dhamaadaan? Astaamaha noocaas ah ee telefoonnada ayaa muujinaya in lagula wadaago oo ay galaangal u leeyihiin burcadda tiknoolajiyadda.


Qaabka ay burcadda u jabsadaan telefoonnada ayaa maalinba heer jooga, waxaana mararka qaar adag in la fahmo.



"Waxaa dhici karta in uu badan yahay isticmaalkaaga internet-ka, balse haddii uusan badneyn oo ay data-da si degdeg ah kaaga dhamaato, waxaad u baahan tahay in aad hubiso ammaanka telefoonkaaga," ayay sheegtay shirkadda Norton ee ammaanka qalabka tiknoolajiyadda.


Norton ayaa sidoo kale sheegtay in haddii batariga telefoonka uu si aan caadi ahayn dabka uga dhaco, ay taasi muujinayso in la jabsaday telefoonkaaga.


Kaspersky oo ah shirkad kale oo ka shaqeysa sugidda ammaanka kombiyuutarrada ayaa sheegtay in batariga telefoonka uu si weyn u shaqeyyo, maadaama kuwa wax jabsada ay adeegsadaan apps kala duwan oo u baahan dad badan.


Labadan shirkadood ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in qofka uu si dhaw uga warqabo telefoonkiisa oo uu hubiyo in aysan jirin apps uusan la soo degin oo telefoonka ugu jira ama farriimo uusan dirin oo meesha ka muuqda.


Sida looga hortagi karo jabsashada xogta telefoonka

Waa in aad ka taxadarto barnaamijyada aad la soo degto, maadaama qaarkood ay wadan karaan virus. Waxaa wanaagsan in aad apps-ka kala soo degto meelaha la hubo sida, Google ama Apple stores.


"Haddii aad farriin ka hesho qof aadan aqoon, ka furin ama ha la degin lifaaqa. Waxay u badan tahay in farriinta ay wadato virus," ayay tilmaamtay shirkadda Norton.



Shirkadda McAfee ayaa qabta in aaladaha Wi-Fi ama Bluetooth ay dowr ka qaadan karaa in la jabsado telefoonka, waxaana ay ku talinaysaa in aad iska xirto marka aadan isticmaaleyn aaladahaas.


"Haddii aad ka shakiso in loo dhacay telefoonkaaga, durbadiiba dembi si aad u joojiso weerarka kuwa wax jabsanaya," ayay ku talisay shirkadda McAfee.

Maxaa la sameeyaa haddii lagaa jabsado telefoonka?


Haddii ay dhacdo in kooxaha wax jabsada ay la wareegaan xogta telefoonkaaga, waxaa muhiim ah in aad qaado tallaabooyinka soo socda.


Shirkadda Norton ayaa ku talinaysa in dadka aad ku wargeliso in lagaa jabsaday telefoonka, si ay uga feejignaadaan farriimaha laga soo diri karo telefoonkaaga.


Tallaabada labaad ayaa ah in aad iska tiro dhammaan barnaamijyada aad ka shakisay.


Waxaa sido kale lagu taliyay in aad soo jedisato barnaamijyada la dagaallama virus-ka, si ay meesha uga saaraan apps-ka lagu jabsaday telefoonkaaga.


Sidoo kale waxaa aad muhiim u ah in aad bedasho dhammaan lambarrada sirta ah ee telefoonkaaga. Waxay u badan tahay in xogtaas ay gacanta u gashay kuwa jabsaday telefoonka.


BBC
Loading...
Loading...