Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Booqasho Ugu Tagay Ex. Xildhibaan Nac-nac

0
Tuesday July 13, 2021 - 08:40:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Booqasho Ugu Tagay Ex. Xildhibaan Nac-nac

    Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Booqasho Ugu Tagay Ex. Xildhibaan Nac-nac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Booqasho Ugu Tagay Ex. Xildhibaan Nac-nac


Hargeisa(HWN):-Madaxweynihii horre ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa booqasho caawa ugu tagay Xildhibaan horre Axmed Diiriye Nac-nac, booqashadda Silaanyo ugu tagay Nac-nac waxa ku wehelisa Marwadiisa Aamina Maxamuud Jirde, Samsam Cabdi Aadan wasiirkii horre Maaliyadda, Safiirka dalka Kenya u fadhiya Somaliland Amb. Baashe Cawil iyo marwaddiisa.



Booqashaddan uu Madaxweynihii horre ee Somaliland ugu tagay Ex Xildhibaan Nac-nac ayaa daraan saaxiibnimo gaamurtay oo u dhaxaysa Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo Ex Xildhibaan Nac-nac

Booqashadda kadib waxa ka dareen celiyey Ex. Xildhibaan Nac-nac wuxuuna yidhi”Waxaan uga mahadcelinayaa bookhashada ay gurigayga iigu yimaadeen saaxiibkay Madaxweyne hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo iyo xaaskiisa marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde, Wasiir hore Samsam Cabdi Aadan, Safiirka dalka Kenya u fadhiya Somaliland Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Marwadiisa. Caafimaad ahaan waan wanaagsanahay Alxamdulilaah, martidaa sharfta leh ee guriga igu soo siyaartayna waan u mahadcelinayaa waad i sharafteen Alle haydin sharfo.”Ayuu yidhi Nacnac

Loading...
Loading...