"Ma jirto Cilmi-baadhis la sameeyay oo sheegaysa Xanuun Ay Dhaliyaan Taawarradu" Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

0
Tuesday July 13, 2021 - 08:35:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ma jirto Cilmi-baadhis la sameeyay oo sheegaysa Xanuun Ay Dhaliyaan Taawarradu" Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

    "Ma jirto Cilmi-baadhis la sameeyay oo sheegaysa Xanuun Ay Dhaliyaan Taawarradu" Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jirto Cilmi-baadhis la sameeyay oo sheegaysa Xanuun Ay Dhaliyaan Taawarradu" Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa sheegay inaanay jirin cilm-baadhis lagu ogaaday xannuuno laysla yaqaano ama gaar ah oo ay sababaan taawarrada isgaadhsiinta.


Wasiirku waxa uu sheegay in marka laga yimaaddo xaddiga Shucaaca ay sii daayaan taawarrada isgaadhsiinta oo ay tahay in lagu ilaaliyo qiyaas go’an oo aan waxyeello lahayn, haddana aanay jirin xannuuno la hubo oo ay si gaar ah u keenaan Taawarradu.
Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Ka Ladnaaday Caabuqa Covid 19 - Sagal News

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Boorama kaga daah-furay wejiga labaad ee kormeerka Taawarrada Isgaadhsiinta dalka, iyadoo hawl-wadeennada wasaaradda oo ku gaashaan qalabka lagu cabbiro hirar shucaaca ay kormeer ku mari doono taawarrada Shirkadaha isgaadhsiinta ee ku yaalla gobollada Awdal iyo Selal.

"Waxan doonaya in aan halkan uga sheego dadweynaha reer Awdal, ma jirto cilmibaadhis la sameeyay oo sheegaysa xannuun la hubo oo ay dhaliyaan Taawarrada isgaadhsiintu. Wasaaraddu daraasad fara badan ayay sameysay, adduunka oo dhan ayay u dirtay waxaana soo baxday maanta in aanay jirin wax la hubo oo taawaradasi keenaan, qalabka ku xidhan iyo signalka ay soo daynayaana uu yahay kii istaandarka ahaa ee adduunka.

Kaasna waanu hubinayna oo waaka aanu u nimid maanta gobolka Awdal, Selal, Shaqaale ka socda Wasaaradda iyo qalab ay wataan ayay ku hubbinayaan, waxanu ugu baaqayna dadweynaha reer Awdal dhammaantood inay soo dhaweeyaan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda Somaliland, ayaa hore uga hadlay taawarrada isgaadhsiinta ee ka dhisan gudaha magaalooyinka iyo saamaynta ay leeyihiin, waxaanu sheegay in wasaaraddiisu qorshe u dejinaysa xakamaynta Biraha Isgaadhsiinta.

Taawarradda ay adeegsadaan shirkadaha isgaadhsiinta ee ka dhex-dhisan gudaha magaalooyinka oo shacabku cabasho ka muujiyaan, ayaa inta badan la sheega inay sababaan dhibaatooyin caafimaad, sida ay ka digeen khubarada caafimaadka iyo kuwa bartay cilmiga isgaadhsiinta ee dalka.

Loading...
Loading...