Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Soo Bandhigay Balan Ay Isku Ogyihiin Maayarka Hargeysa

0
Monday July 12, 2021 - 19:32:39 in News by
  • Visits: 2192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Soo Bandhigay Balan Ay Isku Ogyihiin Maayarka Hargeysa

    Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Soo Bandhigay Balan Ay Isku Ogyihiin Maayarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Soo Bandhigay Balan Ay Isku Ogyihiin Maayarka Hargeysa

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah mudanayaasha cusub ee golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay balan u dhaxaysa isaga iyo maayarka Hargeysa oo ay isku ogyihiin.


Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa sheegay in balanta axdiga u ah maayarka Hargeysa ay tahay in loo shaqeeyo shacabka isla markaana horumarkooda laga hawl galo iyada oo la gudanayo masuuliyada guud ee loo hayo.

Xildhibaan Barkhad oo ka hadlaya arintan ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu ku balanay Cabdikariin Axmed Mooge inuu shaqaale shacab  noqdo, Muddadaas uu joogay wuxuu ii sheegay in 7da Subaxnimo ilaa 8 Habenimo uu  xafiiska joogo, Habeen dhawayd 8:30 ayaan xafiiska ugu tagay si aan u xaqiijiyo.

Runtii waa nin aan u socon baloodh iyo hanti dawlad hoose, hami intan ka badana leh, waxaan ku ogahay inuu daacad u yahay inuu dalkiisa wax u qabto.

Nin cid intuu kaxeeyo odhanaya hantida ummada eed hayso qofkaas wax ka sii ma ihi taasna yaan la iigu soo talo gelin, nin baloodh ka qaadanaya ma ihi isaguna nin bixinaya maaha " Xildhibaan Barkhad Batuun
May be an image of 2 people, people standing and suit

Loading...
Loading...