Xildhibaan Qaasim Oo Muuse Biixi U Soo Jeediyay Inuu Isugu Yeedho Xildhibaannada Cusub Ee Wakiillada

0
Monday July 12, 2021 - 19:10:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Qaasim Oo Muuse Biixi U Soo Jeediyay Inuu Isugu Yeedho Xildhibaannada Cusub Ee Wakiillada

    Xildhibaan Qaasim Oo Muuse Biixi U Soo Jeediyay Inuu Isugu Yeedho Xildhibaannada Cusub Ee Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Qaasim Oo Muuse Biixi U Soo Jeediyay Inuu Isugu Yeedho Xildhibaannada Cusub Ee Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Aadan Qaasim Saleebaan oo ka mida Mudaneyaasha cusub ee golaha Wakiillada, ayaa sheegay inay muhiim tahay qabashadda doorashadda Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.
Nin ka soo jeeda beesha Habar Gidir oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Somaliland | Allbanaadir.com


Xildhibaan Aadan Qaasim Saleebaan waxa uu tilmaamay in doorashaddii qurxoonayd ee inoo qabsoontay loo baahan yahay in lagu xidho doorashadda Shirguddoonka si buu yidhi ay isku dhammaystirto doorashaddii wanaagsanayd ee dalka ka dhacday.

"Waxay ahayd in Xubnaha Baarlamaanka berri hore la iskugu yeedho oo ay doortaan Shirguddoonka golaha Wakiillada. Waxa la iswaydiinayaa doorashadda quruxda badani maxay u dhammaystirmi la'adahay. Madaxweynuhu wuxuu qabtay doorasho qurux badan oo uu samcad ku helay, laakiin waxa su'aali ka taagan tahay goleyaashii soo baxay maxay u shaqayn la'a yihiin."

"Waxaan rajaynayaa in Madaxweynuhu deg-deg iskugu yeedho, waxaan ku baaqayaa in la iskugu yeedho golaha.

Waxaan maqlaayay wararka soo baxaaya Madaxweynaha sharaftiisa dhibaal ku ah, kuwasoo odhanaaya Madaxweynuhu Xubin ka mida Xubnaha ayuu u kaambayn garaynayaa. Ilaa Xubintaa uu cod u helana iskugu yeedhi maayo Baarlamaanka." Ayuu yidhi Xildhibaan Aadan Qasim Saleebaan.

Loading...
Loading...