Faallo:-Loollanka Shirguddoonka Oo Wareegii Ugu Adkaa Galay Iyo KULMIYE Oo Xaaladdu Ku Xun Tahay!

0
Monday July 12, 2021 - 16:18:53 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Loollanka Shirguddoonka Oo Wareegii Ugu Adkaa Galay Iyo KULMIYE Oo Xaaladdu Ku Xun Tahay!

    Faallo:-Loollanka Shirguddoonka Oo Wareegii Ugu Adkaa Galay Iyo KULMIYE Oo Xaaladdu Ku Xun Tahay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Loollanka Shirguddoonka Oo Wareegii Ugu Adkaa Galay Iyo KULMIYE Oo Xaaladdu Ku Xun Tahay!


Hargeisa(HWN):-Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay Maxkamadda sarre ee Somaliland si rasmiya u ansixisay natiijadda doorashadda golaha Wakiillada, iyaddoo sida uu sheegaayo Distoorka Somaliland uu Muuse Biixi isugu yeedhi doono muddo 30 maalmood gudahood ah fadhiga ugu horreeya ee golahaas Wakiillada.
DAAWO : Go'aamadıı Adkaa ee Ka Soo Baxay Shir U Socday Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka Somaliland | Dalmar News


Waxaannay Xildhibaannada golaha Wakiilladu ay kalfadhiga ugu horreeya ku doorran doonnaan Saddexda Xubnood ee Shirguddoonka noqonnaaya, kuwaasoo kala ah Guddoomiyaha, labadda Guddoomiye xigeen, iyaddoo ay si cad iyo si dadban ba ay u socdeen Loollan adag oo u dhaxeeya Isbahaysiga mucaaridka iyo Muxaafidka, kaasoo ay ku kala jiiddanayaan 82-ka Xildhibaan ee doorannaaya Xubnaha Shirguddoonka aqalka Wakiillada, iyaddoo ay labadda dhinac u ordayaan siddii midkastaaba uu u yeelan lahaaa hoggaaminta golaha cusub ee Wakiillada.

Isbahaysiga Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa iyagu wakhti horeba soo qaddimay Xubnaha ay u qorsheeyeen Shirguddoonka golaha Wakiillada oo kala ah Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed oo u sharaxan jagadda Guddoomiyaha aqalkaas, Xildhibaan Cumar Faarax jaamac oo isaguna u sharaxan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golahaas iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo u taagan jagadda Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiillada, hase-yeeshee si ay kurraastaas u hellaan Isbahaysigu waxay uga baahan tahay Shaqo adag iyo isku duubni ay muujiyaan aqlabiyadda Xildhibaannada oo ay haystaan, waayo halkaas waxa jira oo si adag loollan iyo xod-xodosho ku jira Xisbiga muxaafidka ah oo isagunna dhankiisa halgan ugu jira hanashadda Shirguddoonka golaha Wakiillada.

Xisbiga talada haya ee KULMIYE ilaa hadda inta la ogyahay waxay soo bandhigeen Xubinta ay u waddaan Guddoomiyaha aqalka Wakiillada oo ah Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ha yeeshee ilaa hadda may shaacin labadii Xubnood ee Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo Guddoomiye xigeenka 2aad.

Loollanka loogu jiro hoggaaminta golaha Wakiillada ayaa kor u sii kacay wixii ka danbeeyay markii ay Maxkamadda sarre ansixisay natiijadda rasmiya ee doorashaddii golaha Wakiillada, waxaanna Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo aan haysan aqlabiyadda golahaas uu weerar ku hayaa sidii uu Xildhibaano uga heli lahaa aqlabiyadda golaha Wakiillada oo ay haystaan Xisbiyadda mucaaridka ahi, si ay u hellaan tirrada ay u baahan yihiin ee ay ku heli karraan Shirguddoonka ka soo jeedda muxaafidka KULMIYE, balse waxa difaac adag ugu jira Isbahaysiga mucaaridka oo gaadh ka haya aqlabiyadda ay haystaan inaan la wiiqin, waxaannay mararka qaarkood ay ku mashquulinayaan Xisbiga KULMIYE weerar iyo Xod-xodasho iyo galaangal ay la samaynayaan Xubnaha uu haystaan Muxaafidku.

Si kastaba ha ahaatee, waxa shalay Warbaahinta la hadlay Xildhibaano ka soo baxay Xisbiga KULMIYE oo ka soo jeedda gobolka Awdal, kuwaasoo salluug badan ka muujiyay hannaanka uu Xisbigaasi wax u wado, waxaannay sheegeen inaanay ka tanaasulayn Kursiga guddoomiye xigeenka 1aad oo ay saami ahaan sheegteen. Xildhibaannadaasi waxay si mug leh u iftiimiyeen haddii ay KULMIYE ka waayaan Kursigaas inay ka tashan doonnaan, inkastoo aannay rajo badan ba ka muujin Xisbiga KULMIYE.

Loading...
Loading...