MAXAAN AKHRIYAA?

0
Monday July 12, 2021 - 11:18:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAN AKHRIYAA?

    Waa su'aal inagu badatey, se xalkeeda ugu habooni intan ka weecan maayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa su'aal inagu badatey, se xalkeeda ugu habooni intan ka weecan maayo


Waxaad akhridaa Buugaagta dhiirigelinta, Taariikhda, siyaasadda,juqraafiga, cilmu nafsiga, dhaqamada, kobcinta garaadka, sheekooyinka, gabayada, luuqadaha, dhaqaalaha, tignoolajiyadda, caafimaadka, falsafadda, horumarinta nafta, xikmadaha, iyo kutubta diiniga oo ruuxda quudiya.
????Buugaagta dhiirigelinta:
Dhiirigelintu waa u dhaqaaqidda xaqiijin yool ama hadaf aad degsatay,
Dhiirigelintu waa laba nooc oo kala ah:
Mid gudaha ka timaada iyo mid dibadda ah.
Dhiirigelinta gudaha waa in qofku iskiisa u go'aansado in uu noloshiisa horumariyo,
Halka dhiirigelinta dibadda ay ka timaado dadka kugu xeeran, mediyaha, buugaagta, iwm.
????Ahmiyadda buugaagta dhiirigelineed:
-Waxaad ka helaysaa tamar iyo awood maskaxeed.
- Waxay kuu iftiiminayaan dariiqa guusha iyo sida loo gaaro.
- Waxay kaa caawiyaan in aad dejiso hadaf iyo in aad ka dhabayso ama xaqiijiso hadafkaas.
????Buugaagta Taariikhda:
Cilmiga Taariikhda waa diraasaynta iyo barashada wixii soo maray dunida si cashar looga barto.
Taariikhdu waa meelaha ugu badan ee la isugu faano maanta, ummad kasta waxay ku dadaashaa sidii ay u ilaalin lahayd taariikhda.
Ummad aan taariikhdeeda aqoon waa ummad sii dumaysa, sidaa darteed waxaa lagu taliyaa in taariikhda wax badan laga barto.
????Taariikhdu waxaa loo qaybiyaa seddex qaybood oo kala ah:
-Taariikhda casrigii hore
-Taariikhda casrigii dhexe
-iyo Taariikhda casriga cusub.
Culimada Taariikhda qaar waxay ka soo bilaabaan xilligii Nabi Aadam calayhi salaam ilaa maanta,
Waa in aad akhridaa Taariikhda muslimiinta, iyo Taariikhda dalkaaga adiga oo adeegsanaya buugaagta ay qoreen qorayaasha lagu kalsoonyahay, sida: Dr Raghib El- sarjani, iyo Dr Ali Mohamed Al-salabi.
????Siyaasadda:
Akhrinta arimaha siyaasadda waxay kaa caawinaysaa in aad la socoto xaaladaha dunida iyo isbedellada ka socda dunida, balse khasab ma ahan in aad ka hadasho arimaha siyaasadda,
Waxaa jira buugaag badan oo laga qoray siyaasadda, sidoo kale wargeyso ayaa wax ka qora arimaha siyaasadda,
Waa muhiim in aad la socoto xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dunida.
????Juqraafiga:
Waa mid kamid ah culuumta sida weyn loo xiiseeyo, waa barashada dhulka,muuqaaladda dabiiciga ah ee dhulka, xadaaradaha iyo dadka ku nool dhulka.
????Juqraafigu waxaa loo kala qaadaa:
- Juqraafiga Dabiiciga ah:
Waa diraasyanta hawada sare iyo wixii khuseeya, biyaha, badaha , webiyada, harooyinka, muuqaaladda dhuleed, cimiladda, xayawaanada, iyo bay'ada.
- Juqraafiga Basharka:
Waa barashada dadka, tirokoobyada, dhaqaalaha, siyaasadda, dhaqamada, iyo hab-nololeedka bulshooyinka kala duwan.
????Ahmiyadda buugaagta Juqraafiga:
- Waxay kuu suuragalinaysaa in aad aqoon fiican u lahaato wadamada iyo magaalooyinka kala duwan ee dunida, dhaqamada, xadaaradaha(ilbaxnimada), iyo qaab nololeedka bulshada caalamka.
????Cilmu-nafsiga(psychology):
Waa barashada hab-dhaqanka, caqliga, iyo qaabka uu u fekero shakhsiga.
Falsafaddii Giriigga ee hore waxay ku sheegeen cilmu-nafsiga in uu yahay cilmi lagu barto nolosha caqliyeed ee qofka.
Culimada ku takhasusay suluugga ama hab-dhaqanka dadka waxay ku qeexeen in cilmu-nafsiga lagu barto hab-dhaqanka dadka.
Ka guud ahaan cilmu-nafsiga waa diraasaynta caqliga iyo hab-dhaqanka qofka.
????Ahmiyadda buugaagta cilmu-nafsiga:
Cilmu-nafsiga waxaad ku baranaysaa dabeecadaha dadka iyo hab-dhaqankooda, sidoo kale in aad meel fog ka fiiriso go'aanada aad qaadan karto.
????Horumarinta nafta:
Waa dadaallada uu qofku sameeyo si uu isbedel nololeed u helo.
Waa horumarinta iyo Kobcinta aqoonta iyo garaadka qofka, iyo in uu xoogga saaro meelaha uu ku fiicanyahay.
????Qaabka lagu horumarin karo nafta:
- Ku xirnaanshaha Allaah: xiriirka aad la leedahay Allaah wuxuu kaa saacidayaa in aad horumar adduun iyo mid aakhiro gaadho.
-In uu qofku xoogga saaro waxbarashada qaybaheeda kala duwan.
- Waa in uu qofku lahaadaa hadaf iyo yool uu doonayo in uu ka gungaaro.
- Waa in uu qofku lahaado farsamo oo ku xalin karo mashaakilka iyo caqabadaha ka horyimaada.
-Ixtiraamidda dadka kale
-Joogtaynta waxbarashada.
- Kala horaysiinta tallaabooyinka uu qofku qaadayo waa muhiim, waa in aad lahaataa(priority).
-Kalsoonida nafta.
????Sheekooyinka:
Sheekadu waa qormo uu hal abuuro qof si bulshada loo gaarsiiyo wixii muhim ah.
Inta badan sheekooyinku ma aha kuwo xaqiiq ahaan u dhacay, balse dadka aftahanka ah ayaa hal abuura.
????Noocyada sheekooyinka waxaa kamid ah:
-Sheekooyin taariikhi ah: dhacdo taariikhi ah ayaa loo ekaysiiyaa sheeko.
-Sheekooyin jariimo: waa sheekooyinka cabsida ah dad aad u badan ayaa akhrista sheekadan, qorayaasha aadka looga jecelyahay sheekadan waxaa kamid ah Agatha Christie.
-Sheekooyinka jacayl iyo Roomansi: Dhalinyarada kulama taliyeen in ay sheekadan waqti ku lumiyaan, sababtoo ah waxaa la adeegsadaa inta badan kalmado xishoodka ka baxsan.
-Sheekooyinka dhiirigelineed: Waxaa lagu soo bandhigaa sheekadan dhabar-adayga qofka iyo in uu meel sare gaaro.
????Gabayada:
Waa hantida ay umadi leedahay, taas oo lagu ilaaliyo afka iyo dhaqanka bulsho.
????Luuqadaha:
Farqi weyn ayaa u dhaxeeya qof hal af ku hadla iyo qof dhowr luuqadood yaqaana.
????Dhaqaalaha:
Buugaagta dhaqaalaha waxaa lagu bartaa sida loo kobciyo suuqyada, iyo shirkadaha, dadka leh hal-abuur ganacsi waxaa lagula taliyaa in ay waqti badan geliyaan buugaagta dhaqaalaha.
????Tignoolajyadda:
Dunida maanta waxay u socotaa in tignoolajiyadda heer sare laga gaaro, tignoolajiyaddu waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa koboca dhaqaalaha dal ama qaarad.
????Caafimaadka:
Buugaagta ka hadla arimaha caafimaadka waxay muhiim u yihiin nolosheenna, waxaa laga bartaa cuntooyinka caafimaadka leh, sida looga hortago xanuunada,iyo sida loo daweeyo.
????Falsafadda:
Inta badan falsafaddu waa su'aalo la iska weydiiyo kownka, aqoonta, iyo caqliga.
????Culimada casrigan falsafaddu waxay u kala qaadaan dhowr qaybood sida:
Falaasifadda Giriigii hore, sida: Pythagoras,Socrates.
Falaasifadda muslimiinta, sida: Alfaaraabi, Ibnu Rushd, ibnul carabi, Al idriisi, iyo faylasuufkii casrigan Dr Mustafa maxmuud Alle ha u naxristee.
▪Waxaa lagu taliyaa qofka diinta aqoon fiican u lahayn in uusan lugaha la galin falsafadda.
????Kutubta Diiniga ah:
Dhammaan qaybihii aan soo sheegnay waxaa ugu muhiimsan waa kutubta diiniga ah.
In aad barato diintaada waa waajib ku saaran gaar ahaan casrigan tignoolajiyaddu badatay waxaa ku saaran waajib ah in aad barato diintaada.
????Kutubta Diiniga ah waxaa kamid ah
•Tafsiirka Qur'aanka.
•Tajwiidka.
•Naxwaha.
•Sarfaha iyo balaaqada.
•Towxiidka iyo caqiidada.
•Axaadiista.
•Fiqhiga.
•Siirada nabiga sallalaahu calayhi wasallam.
•Qisooyinkii nabiyada.
•Qisooyinka Qur'aanka.
????Xikmadaha:
Waa hadallada murtida leh ee laga sheego dadka indheer-garadka ah.
????Talo:
Haddii aad wax akhrinayso waxaa kula habboon in aad xoogga saarto wixii ku khuseeya gaar ahaan diintaada oo waajib kaa saaran barashadeeda, intaa kadib waxaad akhridaa takhasuskaaga iyo xirfadaha aad jeceshahay in aad mustaqbalka ku shaqayso, ogaal balaadhanna yeelo oo indhuhu haiku furmaan.
Akhrintu waxa ay Kor uqaada maskaxda qofka iyo fahamkiisa isku day in aad bilowdo wax akhriska waliba aad joogtayso.


Akhri Fikir oo hogaami naftaada iyo ta bulshada.

✍ Naafic Qaadi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...