Sheeko Xiiso Leh Oo Maanta Sxpken Ahmed Abdullahi Inoo Sheegay Ani Iyo Ahmed Shugri Gure

0
Monday July 12, 2021 - 11:09:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Xiiso Leh Oo Maanta Sxpken Ahmed Abdullahi Inoo Sheegay Ani Iyo Ahmed Shugri Gure

    Waa Sheeko Qiso Dhab Ah Xambaarsan Wax Badan Waad Ka Faa'iidi Doontaa Insha'allah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sheeko Qiso Dhab Ah Xambaarsan Wax Badan Waad Ka Faa'iidi Doontaa Insha'allah



Eyga Waxa Lagu Yidhi:- Waxaad Ilaalin Doontaa Guryaha Basharka. Waxaad Noqon Doontaa Saaxiibkooda Ugu Dhow. Waxaad Cuni Doontaa Cuntooyinka Wanaagsan Ee Uu Ka Dhergo Iyo Hambadiisa. Waxaana Lagu Sin Doona Cimri Dhan 30 Sano.

Eygii Wuxuu Yidhi:- 30 Sano Oo Dhan? Maya! Keliya Waxaan U Baahanahay In Aad Noolaado 15 Sano. Waana La Siiyey Wixii Uu Dalbaday.

Daanyeerka Waxa Lagu Yidhi:- Waxaad Noqon Doontaa Mid Lagu Qoslo Oo Lagu Maadaysto. Waxaad Noqon Doontaa Mid Beerta Xayawaanka Dadka Ku Maaweeliya, Waxaana Lagu Siiyey Cimri 20 Sano Ah Oo Aad Noolaato.

Daanyeerkii Wuxuu Yidhi:- 20 Sano Oo Dhan? Maya! Waxaan Keliya U Baahanahay 10 Sano! Waana La Siiyey Wixii Uu Dalbaday.

Dameerka Waxa Lagu Yidhi :- Waad Shaqayn Doontaa Qorrax Soo Bax Ilaa Qorrax Dhac. Garaadka Waa Lagugu Yarayn Doonaa. Dhabarkaaga Waxaad Ku Qaadi Doontaa Culays Iyo Dhibaato Badan, Cidina Abaalkaaga Ma Sheegi Doonto. Waxaana Lagu Siiyey 50 Sano Oo Aad Noolaato.

Dameerkii Wuxuu Yidhi:- 50 Sano Oo Dhan? Maya! Waxaan Keliya U Baahanay Inaan Noolaado 20 Sano! Waana La Siiyey Wixii Uu Dalbaday.

Waxa Lagu Yidhi Ibnu Aadamka:- Waxaa Lagaa Dhigay Makhluuq Garaad Badan. Waxaa Lagaa Dhigay Mudanaha Koonka, Waxaana Laguu Dhiibay Furayaashiisa. Waxaad Ku Noolaan Doontaa Nolol Qurux Badan Iyo Dabaqyo Dhaadheer Waxaadna Noolaan Doontaa Muddo 20 Sano Ah.

Ibnu Aadamkii Wuxuu Yidhi:- Ma Waxaan Noqday Bani Aadam, Misana Ma Waxa Aan Noolaan Doonaa Keliya 20 Sano? Maya! Tiradaasi Aniga Way Igu Yar Tahay. Waxaan Rabaa 30-Kii Sano Ee Uu Dameerku Diiday ,15-Kii Sano Ee Uu Eygu Nacay, Iyo 10-Kii Sano Ee Daanyeerku Uusan Doonayn.

Dalabkiisiina Waa Loo Fuliyey.

Muddi Kaddib Ibni Aadamkii Wuxuu Yimi Koonkii Oo Loo Diyaariyey.

20 Sano Oo Waxa Uu U Noolaa Sida Iinsaanka Caadiga Ah Iyo Nolol Faakihaysi Ah Ilaa Uu Ka Guursaday. Markaas Wuxuu Bilaabay In Uu U Noolaado 30 Sano Oo Nolosha Dameerka Ah. Wuxuu Dusha Saartay Masuuliyad Iyo Culays. Wuu Ordayey Wuxuuna Shaqaynayey Ilaa Qorraxdu Ka Dhacdo Mana Uusan Dhergaynin, Cidina Uma Aysan Abaal Gudin.

Kaddib. Markii Ay Carruurtiisii Kortay Wuxuu Ku Noolaaday Nolosha Eyda. Waxba Ma Cuno Ilaa Ay Iyagu Dhergaan. Iyaga Ayuu Ilaaliyaa. Guriga Ayuu Albaabada Usoo Xidhaa, Wuxuuna Hablihiisa Ka Ilaaliya Inay Ciyaal Suuq Noqdaan.

Immika Carruurtii Way Weynaadeen Oo Guryo Iyo Reero Ayay Wada Yeesheen. Isna Wuxuu Bilaabay 10-Kii Sano Ee Daanyeernimada. Wuxuu Isaga Gudbaa Guri Ka Guri. Marba Waxa Uu Soo Booqdaa Guryaha Carruurtiisa Isaga Oo Maaweelinaya Ilmaha Uu Awowga U Yahay. Marba Mid Ayuu Dhabarka Ku Qaadaa Oo La Gurguurtaa Isaga Oo Gaadhi U Matalaya. Wuu U Sheekeeyaa Iyana Maaweeladiisa Ayay Jecelyihiin. Daanyeer

Ina Hooyo Macaane. Waxaad Haysataa 20 Sano Oo Insaannimo Ah Keliya. Hadiise Aad Sii Jirto Waxaad Mari Doontaa Sannado Badan Oo Xayawaannimo Ah. Sidee Ayaynu Isu Waaweyneyn Karna



Maxay Kula Tahay Adiga?


W/Q/Ahmed-Sahal Abdulle




 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...