Taxane ayuu inoo ahaan doona barnaamij kaan aynu kusoo qaadan doono abwaanadii iyo suuganyahanadii somaliyed

0
Monday July 12, 2021 - 10:50:30 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxane ayuu inoo ahaan doona barnaamij kaan aynu kusoo qaadan doono abwaanadii iyo suuganyahanadii somaliyed

    Wuxuu bare ka noqday dugsiyo sare oo dhawr ah ilaa 1976. Sannadkii 1977 ayaa loo beddelay Kulliyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu bare ka noqday dugsiyo sare oo dhawr ah ilaa 1976. Sannadkii 1977 ayaa loo beddelay Kulliyadda
Gaarriye wuxuu ku dhashay Magaalada Hargeysa 1952. Waxaa korisay eeddadii oo dhimatay isaga oon weli hanaqaadin. Magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh ayuu ku dhammaystay.waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1970. Dabadeed wuxuu ku biiray Kulliyadda Lafoole ee Af- gooye, halkaas oo uu shahaadada BSc ka qaatay 1974.


Wuxuu bare ka noqday dugsiyo sare oo dhawr ah ilaa 1976. Sannadkii 1977 ayaa loo beddelay Kulliyadda Lafoole oo uu ka dhigi jirey Suugaanta Soomaaliyeed. Muddo yar ka dibna waxa loo maga- caabay guddoomiyaha Waaxda Suugaanta Soomaaliyeed ee Kul- liyaddaas. 

Sannadkii 1980 ayuu ku wareegay AkaademiyaddaCilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Halkaaas oo uu ka shaqaynayey ilaa 1982, markaas oo uu ku biiray halgankii hubaysnaa ee lala galay taliskii Siyaad.

Wuxuu sannadkii 1973 helay miisaanka maansada Soomaaliyeed (taas oo ah qawaaniinta xukunta dhis- maha maansada). Waxaanuu markii u horreysay si taxane ah ugu daabacay joornaalkii Xiddigta Oktoobar sannadkii 1976.
 Isla sannadkaas buu ku biiray Guddigii Af-Soomaaliga ee u xil- saarrayd erey-bixinta iyo cilmi-baadhista afka iyo suugaanta.

Wuxuu wax ka qoray riwaayaddii Aqoon iyo Afgarad 1971. Wuxuu qoray sannadkii 1979 riwaayad aan iftiinka arag oo la yidhaahdo Eed Hooyo laga Galay. 

Wuxuu ka mid ahaa abwaan- nadii ugu waawaynaa ee ka qayb galay silsiladdii caanka noqotay ee Siinley sannadkii 1973. 

Isagaana bilaabay silsiladdii xiisaha badnayd ee Deelley sannadkii 1979. Waxaana faan ugu filan inaanuu weligii gabay qabyaalad ah tiri.

Allah unaxariistee abwaanku wuxuu ku geeryoday Dalka Norway 30kii September 2012.
Hal iyo labo maansoyinkii uu tiriyay maxaad ka xusi kartaa abwaan gaariye.!!!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...