Taxanaha Xikmadda Q:5aad
Xikmadihii Iyo Odhaahyihii Sheekh Axmed Diidaat AHUN
(Caalimkii waqtigiisa ku bixiyay, faafinta diinta Islaamka)
1: "Qofna markii uu dhalanayay ma uu dooran midabkiisa, nasabkiisa, hantidiisa iyo cidda uu noqonayo; ee haddii aadan abuurka ixtiraamayn, abuuraha ixtiraam.”
2: "Cadowga ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah, kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya, falalka sumcad-darrada usoo jiidaya Islaamka; dadka kalena marka ay arkaan, waxa ay moodayaan inuu Islaamku yahay isaga oo kale.”
3: "Anigu Muslim baan ahay, Islaamkuna waa diin dhamaystiran; laakiin, anigu ma ihi insaan dhammaystiran. Haddii aan gef ku dhaco Islaamka ha canaananina, ee aniga i canaanta.”
4: "Qofka gudaha ka wasakhaysani, ma suuraysto in ay jiraan dad wanaagsani.”
5: "Dadka kuwa ugu dhaqanka xumi, waa kuwa marka ay kaa cadhoodaan wanaaggaaga inkira, sirtaada faafiya, noloshaadana diida, wax aanad ahaynna kaa sheega.”
6: "Annagu ma nihin kuwa ka dib dhacsan reer Galbeedka; balse, waxa aynu nahay kuwa ka dib dhacsan Islaamka. Caalamka waxaan ugu harnay, ka dib markii aan ka tagnay Diinteena.”
7: "Waa in aad Ilaahay ka filataa, wax aanu garaadkaagu sugayn; Ilaahay wax walba wuu awoodaaye.”
8: "Joogiddaada iyo la'aantaadu, Islaamka waa iskugu mid; balse, adigu Islaamka la'aantii waad lumaysaa.”
9: "Islaamku adiga la'aantaa wuu guuleysanayaa, laakiin adiga Islaamka la'aantiis waad khasaareysa.”
10: "Waxa aan aaminsanahay in Alle yahay ka kaliya ee wax abuura, waxa uu na noo soo diray rasuullo iyo nebiyo, si ay noo hagaan.”
11: "Haddii aad jeceshahay Alle, waa in aad jeclaataa Nabiga (scw). Haddii aadan jeclaan karin midka aad arki karto, sidee ayaad u jeclaan kartaa midka aadan arki karin.”
12: "Nooloow keligaa, hayeeshee cidna kelinimo ha badin; u nooloow si qof weyn, ee haku noolaan islaweyni; Alle u nooloow, Dartiisna u dhimo; abuurkana Abuurahooda u daa.”
13: "Dumarku, iyagu waa hooyadaa, iyagu waa walaalahaa, iyagu waa inanta aad dhashay, iyagu waa eeddada/habaryartaa, waa in ay noqdaan kuwo la jecel yahay oo aan iib ahayn; anigu ma xayaysiinayo.”
14: "Qof ayaa ku yidhi Sheekh Diidaat, "Dumarku waa fitnada adduunka.”
Sheekh Diidaat ayaa ugu jawaabay, "Haa waa runtaa, waan kugu raacsanay baqolkiiba boqol. waayo, Nacas adiga oo kale ah ayey 9 bilood lasoo dhibaatoodeen oo adduunka keeneen si uu dumarka ugu tilmaamo dhibaatada adduunka!”
15: "Haddii aad cunto buug fasahaadsan, jidhkaaga ayaa fasahaadaya; haddii aad akhriso buug fasahaadsan, garaadkaga ayaa fasahaadaya. Iska jira waxa ay qoraayadu garaadkiina uyeedhinayaan.”
Xikmadde si gaar ah adiga ku soo jiidatay?
Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...