Xildhibaano Ku Hanjabay Haddii Ay KULMIYE Ka Waayaan Kursiga Labaad Ee Shirguddoonka Inay Ka Tashan Doonaan

0
Sunday July 11, 2021 - 20:19:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ku Hanjabay Haddii Ay KULMIYE Ka Waayaan Kursiga Labaad Ee Shirguddoonka Inay Ka Tashan Doonaan

    Xildhibaano Sheegay Haddii Ay KULMIYE Ka Waayaan Kursiga Labaad Ee Shirguddoonka Inay Ka Tashan Doonaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Sheegay Haddii Ay KULMIYE Ka Waayaan Kursiga Labaad Ee Shirguddoonka Inay Ka Tashan Doonaan


Hargeisa(HWN):-Waxa Caasimadda Hargeisa ee xarunta Somaliland si wayn looga darreemayaa loollanka iyo hirdanka loogu jiro doorashadda Shirguddoonka golaha Wakiillada, kaasoo hadda maraaya meeshii ugu sarraysay.



Loollankan ayaa waxa si wayn ugu hirdamaaya Isbahaysiga Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaannay labadda dhinac-ba ku hawlan yihiin kala jiidashadda Xildhibaannada cusub ee aqalka Wakiillada Somaliland.
Sawiro:- Haweenka Borama Oo Tageeray... - Kaahin Media Group | فيسبوك

Haddaba, waxa Caasimadda Hargeisa kulan ku yeeshay Afar ka mida Xildhibaannada golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE uga soo baxay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaannay sheegeen inay doonnayaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka golaha Wakiillada, kaasoo ay sheegeen in Deegaankooddu uu iska leeyahay booskaas.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo ah Afhayeenka Xildhibaannadaas kulanka yeeshay, waxaannu sheegay inay deegaan ahaan iyagu iska leeyihiin Booska Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Somaliland.

"Kulankayagan Xildhibaannada KULMIYE wuxuu daaranaa Shirguddoonka. Reer Awdal haddaanu nahay Shirguddoonka waxaannu ku lahayn Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, waxaannu is waydiinay horena aanu u bandhignay Xisbiga KULMIYE dhexdiisa inaanay reer Awdal marnaba ka tanaasulayn Kursigii ay xaqa u lahaayeen oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, waayo Somaliland beelay ku dhisan tahay, wax-na ay ku qaybsataa nidaamka ka jiraa, iyaddoo Xisbiyo la kala yahay oo aad arkayseen Shaxdii ay dhigeen Xisbiyadda mucaaridka ahi, Xisbiga dhexdiisana waxa loo baahan yahay in la is dhagaysto, kun jeer baanu soo bandhignay waxa aanu Xaqa u leenahay." Ayuu yidhi Xildhibaan Maydhane.

Afhayeenka Xildhibaannadaas Maxamed Xuseen Maydhane waxa uu sheegay inaanay xaaladdu sidan uun iska ahaanayn, balse haddii la is dhagaysan waayo, markaas ay imanayso in la kala tashaddo.

"Haddii la is dhagaysan waayo, waa la kala tashanayaa oo Nin weliba halkii dantu ugu jirto ayuu tagi doonnaa ee Xaqiisa u ogol, maaha in Xisbiga dhexdiisa beelo la dhagaysto beelana la dhagaysan waayo. Ma nihin dad dad uun u nool, dad reer Somaliland ah baanu nahay oo xaq u leh Guddoomiye ku-xigeen iska daayoo Madaxweynaha inaan doonano, wax aannu Xaq u leenahay-na cid aanu u daba-fadhiisanaynaa ma jirto.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ah Madaxweynaha dalka waxaannu leenahay hadallada inta runta ah uun qaaddo, beelahana mid walba Xaqiisa-sii, laakiin inta kuu sacab tumaysa ee Beenta kuu sheegaysaa yaannay jar kaa tuurin, haddii Xaqa reer Awdal ee guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada aanu wayno, ciddii noo ogol ayaanu raacaynaa, waxaanna la yidhi Dumaal nin ka xishooday kama ilmo dhalo, haddaan hadalka run laga sheegin bal kan aan waxba kuu ogolayn waxa dhaamma ka kuu ogol Guddoomiye ku-xigeenka 2aad." Ayuu yidhi Afhayeen Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane.

Loading...
Loading...