Xildhibaan Guruuje Oo Farriin Macnayaal Badan Xambaarsan U Diray Xildhibaannada Wakiillada

0
Sunday July 11, 2021 - 15:50:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Guruuje Oo Farriin Macnayaal Badan Xambaarsan U Diray Xildhibaannada Wakiillada

    Xildhibaan Guruuje Oo Farriin Macnayaal Badan Xambaarsan U Diray Xildhibaannada Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Guruuje Oo Farriin Macnayaal Badan Xambaarsan U Diray Xildhibaannada Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Ahmed Guruuje oo ka mida Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa farriin u diray Mudaneyaasha aqalkaas, waxaannu u soo jeeddiyay inay dhagaystaan oo aannay yaraysan Hankiisa.
Cabdiraxmaan Erdogan - Xildhibaan GURUUJE. | Facebook


Xildhibaan Guruuje waxa uu sheegay haddii Hankiisa la dhagaysan waayo, waxa uu sheegay inaanay Xildhibaannada kalenna Hankoodda gaadhayn, isagoo u sheegay in faraha lagu kala badinaayo ay Fartiisuna ka mid yahay oo dhinaca uu farta u taaggaa ay guulaysan doonnaan.

"Dhoonyacab dharaartii la qabtey”.

Dhoonyacab wuxuu ahaa nin geesi ah ,colwadeena oo abaanduule ah , kana dhashay beesha Ogaden reer cabdile oo ku noolaan jirey gobolka doolo qarnigii horre.

Dhoonyacab waqti waqtiyadda ka midda ayaa jufadoodii oo reer xirsi la odhan jirey is dishey dabeeto waa rag coloobey iyo caadkiiye waa la kala guurey.

Maalin maalmaha ka midda ayaa dhoonyacab oo meel iska maraya ilmaadeertiisii ay is hayeen qabteen , dabeeto waxay ku tashadeen dhoonyacab waa nin Wayn oo inagama go oo dili maynee aynu ka yeedhsiino hadal aynu hafhoow kaftanka kagga hello .

Dhoonyacab dabeeto waa loo yimi waxaana laggu yidhi dhoonyacaboow dardaaran , dabeeto wuxuu ugu jawaabey.

Anigana I dila idina waa I daba gelaysaane
Aqal labadii daah baynu nahey oo kala danbayn mayno
Dan halooga baxo reer xirsaa doortay aakhiro e .

Imika waa halkii dhoonyacabe saaxiibadey waxaan leeyahey ,hankayga haddaa yaraysataan oo I dhagaysan waydaan idina hankiina gaadhi maysaane ogaada ilayn faraha lagu kala badinaayo fartayduna way ku jirtaa In fartayda halkaa u taago guushu ku xidhan tahayna lagaba yaabee.
Loading...
Loading...