Siyaasi Ramaax Oo Xisbiga UCID Ku Sifeeyay Xisbi Shandad Lagu Sito, Kanna Hadlay Xildhibaannada Cusub

0
Sunday July 11, 2021 - 11:42:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ramaax Oo Xisbiga UCID Ku Sifeeyay Xisbi Shandad Lagu Sito, Kanna Hadlay Xildhibaannada Cusub

    Siyaasi Ramaax Oo Xisbiga UCID Ku Sifeeyay Xisbi Shandad Lagu Sito, Kanna Hadlay Xildhibaannada Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Ramaax Oo Xisbiga UCID Ku Sifeeyay Xisbi Shandad Lagu Sito, Kanna Hadlay Xildhibaannada Cusub


Hargeisa(HWN):-Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax), ayaa sheegay inaan laga saarrin Xisbiga UCID, balse uu isagu soo gaadhay Istaankii uu kaga hadhaayay xisbigaas,waxaannu sheegay inaanu markii horeba uu wax badan diiddannaa, isla markaanna uu Xisbigu ahaa mid ruux kaliya ahi uu shandad ku sito.


Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax), waxa uu inaanay Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiilladu aanna aaminsanayn wax Xisbi la yidhaahdo, isagoo xusay in Xildhibaankasta uu reerkooddu geeyay Xisbiga, codkiina ay siiyeen.
RAMAAX Oo Ka Hor-yimid Mawqifka Xisbiyadda Mucaaradka – somalilandtoday.com

"Waxbaa lagaa saarraydaa meesha ka saar, waxaannu ahayn Shan Nin oo Xafiiskaas fadhiya (UCID), markaa waxa noo yimid xilligii doorashadda, xafiiskii markaa mashquul buu noqday. Aniga laftaydunna doorashaddii baan ka qayb-galay oo masraxa siyaasadda laga soo galaayay waxay ahaayeen Xisbiyadda qaranka, markaa haddii Baskaas berri iyo galbeed aad raacdo qof weliba waxa uu kaga dagayaa halka uu doonnaayo, markaas xilligii ayay gaadhay.

Ta labaad anigu ma ahi Nin fekerkiisa qarsadda, kumannaan qanacsanayn magac Xisbi qaran oo haddana ciddi ay Shandad ku sidato oo aannad taladii la lahayn, waanna ta iska kaayo horkeentay ee aniga meel la iga saarray ma jirto, Sharaftaydiina waan huwannahay.

Waxaas UCID ka soo baxay Nin kaliya ayaa Xisbiyahan ah, waanna Cabdinaasir Qodax oo halkaad ogayd uu kaga dhaqaaqay, waxa isaguna jira Nin kale oo aannan waxba hadda magaciisa sheegayn, waxaad ogaydeen in Xoghayihii guud ee Xisbigu uu ka tagay Xisbiga markii loo diiday Xisbigii uu Xoghayaha guud ka ahaa inuu iska Sharaxo, runtiina waxaan qabaa inuu maalintaas asiibay oo uu go'aan fiican qaatay. Aniga laftaydu waan ku habsaamee maalintii uu ii diiday inaan golaha Deegaanka iska sharaxo inaan isaga tago ayay ahayd, laakiin Illaahay baan qadarin oo waxaan is idhi la gudhi, markaa Xildhibaannadan intii dhacdayna way iska tagtay, intii soo baxdayna Nin weliba halkii uu doonnaayay ayuu soo gaadhay, markaa Xisbiga UCID lix baa ku hadhay, lixdaasinna dano uu leeyahay ayay agjoogaan oo wax buu u balan-qaadday, markaa imikanna ururradii baaba la furayaa oo aad ogtahay, oo hadda Xeerkii Madaxweynaha ayuu horyaallaa waxaanan ka rajaynayaa inuu saxeexi doono, markaa waa Ninkii fiicnaayow lagu fasax ayay noqonaysaa.

Horta Xildhibaannadan soo baxay markaad eegto %90 ma aaminsanna wax Xisbi iyo Mabda'a la yidhaahdo, dadkani Xisbiyadda inay ku tartamaan oo ay Kuraasta golaha Wakiillada ku gaadhaan ayuun bay u socdeen, weliba Xisbigayaga UCID ma jiro wax mabda'a Xisbinimo aaminsan, markaa dadkani mabda'a iyo xisbi ay aaminsan yihiin kumay soo bixin ee Nin welba waxa soo saarray reerkiisii

Loading...
Loading...